Maxaa Cabdiqaadir Jirde Ku Kelifay Inuu Hankiisii Ka Tanaasulo Shirweynaha Xisbiga WADDANI Ka Hor, Ma Culays baa La Saaray ?

0
707

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa Arbacadii Shalay ku dhawaaqay inuu ka Tanaasulay Hankiisii ahaa inuu u tartamo Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI, kaasi oo uu hadda ka hayo xilka ah Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah.

Guddoomiyaha ku meel-gaadh ee Xisbiga WADDANI oo Shalay Shir-saxaafadeed ku qabtay Xarunta Xisbigaas ee Magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey waxyaabaha ku kelifay inuu ka tanaasulo Hankiisii ahaa inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, maaddaama oo uu Guddoomiyaha Xisbigaasi Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu hore u ballan-qaaday inuu isaga ku wareejinayo Guddoomiye-nimada 45 Maalmood ka dib haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada.

Jirde oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Xeerka waxa ku qornayd berigaa, Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah marka uu Xisbigu guulaysto doorashadii 2017-kii in Madaxweynuhu uu 45 Maalmood gudahood Xilka Guddoomiyaha Xisbiga ku wareejiyo Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah, iyadoon tartan la gelin, iyadoon Cid kale lala tashan, laakiin Maanta waxa iman doona Isbeddel xeerka ah, Isbeddelkaasi labada Xil ee kala ah Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah iyo Hoggaamiyaha wakhtigoodii wuu dhamaaday, qaab-dhismeedkii hore ee Xisbiyadu lahaayeen baa lagu soo noqonayaa, Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeeno, sida Dimuqraadiyaddu inna faraysana Xilalka waa loo tartamayaa, xil meel qof loogu qorayo oo la odhanayo Xilkaa Qofkaasaa iska leh ama Reerkaasaa iska leh ma taallo. Xisbigana kama jirto Reer ama Qof la yidhi xilkaa Adigaa keligaa iska leh, dimuqraadiyaddaa na faraysa in Xilalka loo tartamo, taasi waa Qaaciido aan laga gudbi karin, markaa Guddoomiyaha Xisbiga waa loo tartamayaa, dad badan baa xaq u leh inay u tartamaan, Dadkaas ayuun baan ka mid ahay Anigu, waxaan dheerahay Dadkaasi ma jirto, go’aanka ah inaan tartamo iyo in aanan tartamina Anigaa iska leh, Aniga, Ilaahay iyo qoyskayga ayuun bay ka dhaxaysaa.”

Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde waxa kale oo uu sheegay “Anigoo duruufo badan Xeerinaya waxaan go’aansaday in aanan tartankaa loogu jiro Guddoomiye-nimada ka qayb-gelin oo aanan tartamin Sababo aniga ii gaar ah awgeed iyo Xisbiga oo aanu ku wadno inuu noqdo Xisbiga ugu xoogga badan Somaliland, Waayo? waa xisbiga Maanta ay Ummadda oo dhami ku soo socoto, markaa inaan Fursad siiyo Dadkii kale ee tartamayey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu beeniyey in Culays lagu saaray inuu go’aankan qaato “Cid culays igu saartay ma jirto, Cid igu saari kartaana ma jirto.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office