Jiilka Cusub ee Baraha Bulshada (Metaverse)

0
579

Soo Saarista Shay cusub ayaa ah Caadooyinka dhaxalkaa ee Bini-aadamku ku abuuranyahay. Qarniyadii u dambeeyey waxaa isku day’yo badan iyo wax-ka-bedelisba ay ku socdeen wax kaste oo hore loo isticmaali jirey, haday ahaato dhar la dugsado, cunto la cuno, iyo hoy loo hurdo tagaba. Baraha Bulshada (Social Media) ayaa ah waxa uu saameynta horumarku taabtay. Taariikh ahaan, “Six Degrees” ayaa aheyd Bartii ugu horeysey ee la aas-aaso hilaaddii 1997, Isagoo uu hirgeliyey “Andrew Weinreich”. Six Degrees ayaa aad loo yaqaanay intii u dhaxeysey 1997 ilaa 2003, taasi oo aheyd markii Mr Anderson uu Sameeyey “MySpace”. Bartan Cusub ayaa u ogolaaneysey isticmaalayaasha inay sameystaan Bog-Shaqsiyeedyo (Profiles) taasi oo ay ku dhageysan karaan codadka ay jecelyihiin. Laga soo bilaabo wakhtigaa, waxaa mar kaste aadanuhu ku dedaalayey sidii uu usii horumarin lahaa Kuwayowgii hore.

Metaverse, waa duni khiyaaliya oo u sahlaysa qofka, inuu arko wax aanuu ku arag nolosha caadigaa. Si fudud, waa jiilka cusub ee Baraha Bulshada. Inkaste oo hadda aanuu jirin, hadana Shirkadda Facebook ayaa u tartameysa sidii ay u noqon laheyd shirkaddii ugu horeysey ee hirgelisa adeegga Metaverse, iyadoo shirkadda magaceedii loo badaley “Meta”. Inkastoo ujeedada ay u badaleen loo tiirinayo eed-iska-yarenta ay sanaddadii u dambeeyey shirkaddu wajaheysey.

Hadii aynu uga waranno habka ay usoo wareeyaan dadyowga u ololeynaya soo ifbaxa Metaverse, ayaa waxay sheegaan, in Tiknoolajiyadani ka wacantahay kana isticmaal fududahay baraha bulshadda (Social Media). Hadii aad la dhibaateysneed in markaad soo gashid Internetka, kadibna aad markaba ka laabatid, kuna caajistid intaad ku dhexjirtid, Metaverse, daal iyo caajis midna malaha. Si aad u gashid aduunkaa khiyaaliga ahna waxaa kaa xiga muraayad/okiyaale aad indhaha gelisid. Aduunka khiyaaligaa (Metaverse) waxaa dhexyaalla shay kaste oo la taaban karo, noloshana aynu ku adeegsanno, haday noqoto, dhar, dhismayaal, gaadiid iyo guryaba, adigoo iibsan kara hadba waxaad uga baahantahay noloshaa Metaverse.

Qofku wuxuu yeelan doonaa laba nololood, mid caadiya iyo mid khiyaaliya. Waxaad gadan doontaa guri aad kasoo dhex toostid subixii, baabuur aad ku safartid, kuna aadid magaalooyin kale. Jidka intaad mareysid, waxaad ku arki doontaa dad meesha maraya oo iyaguna sidoo kale muraayaddoodi kusoo galay noloshaan. Waxaad Yeelan doontaa dad saaxiibo ah, idinkoo wada hadli kara, wada ciyaari kara, waxna isla qeybsan kara. Xidhashada Muraayaddaas adigoo sariirtaada dul jiifa waxaad ka qeyb geli kartaa, Muxaadiro uu Qabanayo sheekh ama xaflado ay qabanayaan dadka ugu caansani. Waxaas oo dhami waxay wax-kama-jiraan noqonayaan isla wakhtigaad muraayadda iska dhigtid. Waxaa la arki doonaa dad noloshan caadiga ah nacay oo ka door bidaya noloshaa khiyaaligaa.

Si Kastaba ha ahaatee hadii “Metaverse” aad ka baxeysid markaad muraayadda iska saartid, noloshan aduunyada ayaa la mida oo iyana dhamaaneysa, nafta oo lagaa qabto ayay waxkastaana ku dhamaanayaan. Waxaa wanaagsan in aynu usii shaqeysanno noloshaa dambeysaa ee waareysa, keena Naar ku waaraya ama Janno rabaana maanta ayaynu jaanis haysannaa.

Alle dambigeena ha dhaafo dhamaanteen. Wabillahi Tawfiiq.

W/Q: Maxamed Cumar Fuaad

Ma.omarr@hotmail.com