Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Rejada Shacabka Somaliland Ka Qabo In Doorashooyinka Isku Sidkani Wakhtigooda Ku Dhacaan

0
840

Hargeysa (Geeska) – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, ayaa ka hadlay Safar isaga iyo Wefti uu hoggaaminayey ku yimaaddeen Somaliland.

James Swan oo Warbaahinta la hadlay, ka dib safarkii uu ku yimid Somaliland, ayaa sheegay in muddadii ay Hargeysa ku sugnaayeen la kulmeen Madaxda Dawladda Somaliland qaarkood, guddiga Doorashooyinka, ururrada Bulshada Rayidka ah, ka dibna ay la shir la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaanu gaadhnay Hargeysa, muhiim bayna noo ahayd inaanu la kulanay Madax ka mid ah Dawladda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Guddiga doorashooyinka, ka hor kulan aanu la yeelanay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada..” ayuu Warbaahinta u sheegay Ergayga Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaanu intaa ku daray oo uu wax ka xusay waxyaabihii ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland “Aad ayaanu ugu faraxsanahay in aan ka wada-hadalno shaqada Qaramada Midoobay ee Somaliland, sidii ay gacan uga geysan lahayd wax ka qabashada arrimaha la taaban karo ee khuseeya dadka reer Somaliland..”

James waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka isku sidkan ee wakhtigooda la cayimay “Dhammaan Wadaagayaasha Somaliland, waxay rejaynayaan doorashooyinkaasi..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu rejaynaynaa in shaqada Guddiga doorashada fududaynayaan ay noqoto doorasho guulaysata dhammaadka bisha May..”

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, wuxuu amaanay hawsha ay hayaan Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaanu sheegay in dhammaan tilmaamaha ka imanaya Komiishanka doorashooyinka Qaranu ay yihiin in shaqada farsamo ee u diyaargarowga doorashooyinka ay tahay mid si horumarsan u socota iyo in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay ahayd hawl weyn “Waxaan ku boorineynaa geedi socod loo dhan yahay oo hufan..” ayuu yidhi James Swan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office