Qaramada Midobay Oo Sheegtay Inay ICAO La Eegi Doonto Hawada Somaliland Iyo Somaliya Ee Ay Dawladda Xasan Sheekh Ku Wareejisay

1
526

Picture6Hargeysa(Geeska)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay hay’adda ICAO ee u qaabilsan hawada la eegi doonto mawduuca hawada ee ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya.

Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Nicholas Kay, ayaa waxa su’aal barta twitterka ku weydiiyay saxafi ka tirsan warbaahinta Inner City press, taas oo ahayd bal sida ay qaramada midoobay u aragto in hawada sare ee Somaliland ay ICAO u gacan geliso dawladda Somaliya. Wuxuu ergaygu su’aashan kaga jawaabay in toddobaadka dambe la heli doono warbixin faahfaahsan oo la xidhiidha mawduucan, isagoo sheegay inuu rajaynayo in wada hadalka Hargeysa iyo Muqdisho arrintan lagu xalin doono.  “Arrinta hawada sare ee Somaliland waxa aanu la eegaynaa hay’adda ICAO, toddobaadka dambe ayaa ogaan doontaan warar dheeraad ah.” Sidaas ayuu yidhi Nicholas Kay, waxaanu intaas raaciyay “waxa aan aad ugu kalsoonahay in wada hadallada u socda Muqdisho iyo Hargeysa ay arrintaas xallin doonaan.”

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawada ee ICAO, ayaa dhawaan ku wareejisay dawladda Somaliya maamulista hawada Somaliland iyo Somaliya, wareejintaas oo xad gudub ku ah heshiiskii ay Somaliland iyo Somaliya badhtamihii sanadkan ku kala saxeexdeen wadanka Turkiga.

Comments are closed.