Guddoomiye Muuse Biixi Oo Diyaariyay Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Iyo Gudiga Fulinta Oo Beri Isu Imanaysa

1
538

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa diyaariyay xubnaha guddiga qaban qaabada shirweynaha KULMIYE, kuwaas ka shaqayn doona qaban qaabada shirweynahaas xisbiga oo qabsoomi doona dabayaaqadda bisha December ee sannadkan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in tiradda gudigu tahay 19 xubnood, kuwaas oo ka soo kala jeeda beelaha Somaliland ee xisbiga ku bahoobay. Sida uu warku sheegay guddigan waxa ansixin doona guddiga fulinta oo awood sharciyeed u leh, waxaanay guddiga fulintu shir isugu iman doonaan Axadda beri si ay u naaqishaan xubnaha uu guddoomiyuhu u magacaabay guddiga qaban qaabada, waxaanay cod u qaadi doonaan Salaasada toddobaadkan oo haddii ay ansixiyaan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono.

Shirweynaha KULMIYE, ayaa waxa si weyn indhaha ugu haya dadka siyaasadda falanqeeya, kuwaas oo sii saadaalinaya in shirweynahaasi xisbiga ka dhex abuuri doono khilaaf siyaasadeed oo muddo la soo dadayay.

Comments are closed.