Gabiley: Chief Caaqil Cabdi Iidle Amaan Oo Aas Qaran Loo Sameeyay

11
601

Picture1Gabiley (Geeska)-Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Tacsi u diray Marxuum Chief Caaqil Cabdi Iidle Amaan, oo habeen hore ku geeriyooday Magaalada Gabiley isla-markaana isla Magaaladaasi lagu aasay.

Qoraal Tacsi ah oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa waxa uu Madaxwaynuhu ku Tacsiyadeeyay ehelada, Madax-dhaqanka iyo shacabka Somaliland ee ka baxay Marxuum Chief Caaqil Cabdi Iidle Amaan, oo ka mid ahaa Madax-dhaqanka ee Magaca ku lahaa dalka Somaliland.

Tacsida Madaxwaynuhu u diray Marxuumka ayaa u qornayd sidan “ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Sulaadiinta, Cuqaasha, Caaqilada, Madax dhaqameedka iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo ku geeriyooday 19/10/2013 Gabiley.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dhaqameed ka baxay qaranka Jamhuuriyada Somaliland door muhiim ahna ka soo qaatay marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray, sida nabadayntii beelaha somaliland iyo dawladnimada iyo dimuquraadiyada dalkaba, horena waxa uu marxuumku uga soo qayb-qaatay halkankii dalka lagu horeeyey. 

Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku, isaga oo illaahay uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Caaqilada, Madax dhaqameedka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo”

Dhanka kale, aaska Marxuumka ayaa waxa dawladda Somaliland uga qayb-galay Madaxwayne ku xigeenka Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo boqollaal dadwayne ah oo isaga kala yimid gobollada iypo degmooyinka dalka, kuwaasi oo ay ku jireen masuuliyiin badan.

Masuuliyiinta aaska iyo jinaasadda Marxuumka ka qayb-galay ayaa waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen,  Wasiirro uu ka mid yahay Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badnaa, waxayna dhammaantood Marxuumka ku tilmaameen garab weyn oo ka baxay shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa Gobolka Gabiley oo uu Madax-dhaqameedkooda ka mid ahaa.

Comments are closed.