QAnon: Koox Aaminsan In Ruuxdii Trump Sii Joogi Doonto Aqalka Cad Si Ay Cadowgiisa Siyaasadda Ugu Dhexdisho

0
760

Horraantii sannadkii 2017 kii waxaa dalka Maraykanka ka soo shaacbaxay koox lagu magacaabo Q-Anoon oo aaminsan in kooxo isu aragti ah oo isugu jira Shaydaan caabud, dad cun iyo dadka xidhiidhada jinsiga ah carruurta la sameeya ay haystaan dawladnimada Maraykanka oo ay illaa xididka iyagu ku beeran yihiin.

Ururkan oo dawladda Maraykanku liiska argagaxisada ku dartay ayaa imika ku doodaysa in kooxahan dawladda haystaa ay mu’aamaradeeyeen madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Warbixin lagu daabacay wargeyska The Independet ayaa sheegaysa in kooxda Q-Anon ay aaminsan yihiin in madaxweyne Trump uu weli yahay madaxweynaha dhabta ah ee Maraykanka, iyo in rooxaantiisu iyada oo aan la arkayn ay kuwa ka soo horjeeda iyo cadowgiisa ku dhex dili doonto Aqalka Cad.

Kooxda Q-Anon ayaa hore loogu ogaa in ay aaminsan yihiin in Trump uu dagaal qarsoodi ah kula jiro sharwadayaasha dimuqraaddiga ah, iyo kuwo labeenta maraykanka isku tiriya.

Kooxahan oo xilligii madaxweyne Trump aad u firfircoonaa, inkasta oo uu isagu beeniyey in uu taageero, ayaa la sheegayaa in cadho iyo niyad xumo badani ay soo waajahday kaddib markii uu xilka ka tegey Trump maadaama oo ay aaminsanaayeen in Trump uu yahay ruux loo soo diray in uu dalka Maraykan ka badbaadiyo kooxaha sharka isu bahaystay. Waxa aanay kooxdani si weyn uga qayb qaadatay rabshadihii dhacay guushii Joe Biden kaddib, iyo gelitaankii aqalka baarlamaanka Marayankanka.

Dhinaca kalana, Madaxweynaha Maraykanka Jo Biden ayaa sheegay in xogaha sirdoonka qaranka aan sidii caadada ahaa jirtay loola socodsiin doonin madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Donald Trump.

Sida caadada dalka Maraykanku tahay, xogoaha sirdoon ee ay soo ururiyaan wakaaladda CIA iyo hay’adaha kale ee sirdoonka Maraykanka waxaa lagu wargeliyaa oo joogto ula socda madaxweyneyaashii hore ee dalka soo maray hadba inta ka nool. Laakiin Madaxweyne Biden oo waraysi siinayey talefishanka CBS waxa uu sheegay in Trump uu yahay shakhsi aan la saadaalin karin waxa u uku kacayo, gaar ahaan marka la eego khudbaddii uu jeediyey 6-dii Jeenaweri oo la aaminsanyahay in ay taageereyaashiisa ku dhiirrigelisay xooggii ay ku galeen aqalka Kongareeska Maraykanka iyo rabshadihii ka dhashay oo ugu yaraan 4 qof ku dhinteen.

Dad badan ayaa aaminsan in xogtan oo Trump loo dhiibaa ay keeni karto in uu siro badan cid kale u gudbiyo, taasina ay khatar ku tahay amniga qaranka Maraykanka, waana isla fikirka uu aaminsan yahay madaxweyne Biden ee ah in aan la aamini karin Trump.

Mar sii horreysay ayaa khubaro amnio o Maraykan ah iyo falanqeeyeyaal siyaasadeed waxa ay cabsi ka muujiyeen in madaxweyne Trump afartii sano ee uu madaxweynaha ahaa, inuu xogaha sirdoonka ee xasaasiga ah qaarkood cidyow kale u gudbiyey.