Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashooyinka, Talooyina U Soo Jeediyey Axsaabta Qaranka

0
542

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Doorashooyinka la filayo inay sannadkan ka dhacaan dalka, waxaanu sheegay inuu ku rejo weyn yahay inay dhacaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanco, waxaanu si gaar ah baaq ugu diray Shacabka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale ka hadlay geerida ku timid Suldaankii guud ee Somaliland, oo shalay aas qaran loo sameeyey, waxaanu ALLE uga baryey inuu u naxariisto, waxaanu u duceeyey Suldaanka beddelay, Suldaan Da’uud, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Ilaa hadda si fiican bay wax inoogu socdaan, inaguna cid kasta waxaynu kaga horaynaa oo aynu kaga wanaagsan nahay wada tashiga, Doorashooyinka aynu sannadkan qabsanayno ee la muddeeyey xilliga la qabanayana insha allaah waxay inoo noqon doonaan Doorashooyin fiican oo si fiican inoogu qabsooma, ee si fiican ha loo tartamo, oo ha laga fogaado hadallada caadifadu ka muuqato mucaarad iyo muxaafidba, oo tartanku ha noqdo tartan xalaal ah”.

Mar uu ka hadlaayey Geerida ku timid Suldaankii guud ee Somaliland ayuu yidhi “Geeridu waa xaq, qof walbana wuu geeriyoonayaa, ee Suldaankii guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, waxaynu ILLAAHAY uga baryeeynaa inuu u naxariisto, oo jannooyinkiisa ka waraabiyo, oo qabriga uga dhigo beer ka mid ah beeraha jannada, Suldaanka la caleemo saarayna waxaynu ugu ducaynaynaa inuu ALLE ku asturo xilkaas iyo masuuliyaddaas uu qaaday”. 

Mar uu ka hadlaayey bisha ramadaan oo muddo kooban ka hadhay ayuu yidhi “Bishii Ramadaan foodda ayay inagu soo haysaa, ee ALLE khayr ha inagu gaadhsiiyo, ee mar kasta ha la ogaado dadkeena danyarta ah, oo aynu ku dedaalno in wixii aynu tari karno aynu tarno, oo aynu ALLE ka cabsiga badino”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office