Hal Ku Dhegyo Laga Baranayo Casharro Nololeed Iyo Talooyin Waayoaragnimada Kobcinaya

0
994

Duruufaha adduun ee maalinlaha ah iyo waayoaragnimada qofku korodhsanayaa waa casharo muhiim u ah nolosha qofka la kulmayaya iyo dadka kaleee uu u sii tabinayo. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa halkudhegyo dad caan ahi ka tageen oo waano ka noqon kara waayaha adduunka.

  1. Sharafta noloshu maaha maaha in aanad weligaa kufin, balse waa in aad kici karto mar kasta oo aad kufto – Nelson Mandela.
  2. Halka wax laga bilaabaa waa in marka hore hadalka la joojiyo, hawshana la guda galo – Walt Disney.
  3. Waqtigaaga aad haysataa waa uu kooban yahay ee ha iskaga lumin in aad qof kale noloshiisa noolaato. Iska jir in aad ku noolaato natiijada fikir ka soo maaxday dad kale maskaxdood – Steve Jobs, aasasaha shirkada Apple.
  4. Haddii nolosha waxa aad haysato aad eegto, mar kasta dheeraad ayaad haysan doontaa. Haddii se aad eegto waxa kaa maqan, weligaa kuma qanci doontid in aad wax kugu filan haysato. – Oprah Winfrey.
  5. Ha ku go’aan qaadan midhaha aad maalin kasta guranayso, ee ku go’aan qaado siidhka aad beertay. – Robert Louis Stevenson.
  6. Nolosha jab badan ayaad kala kulmaysaa, laakiin iska jir in naftaadu ay jabot – Maya Angelou.
  7. Ugu dambaynta waxa xisaabta geli doonaa ma’aha sannadaha aad noolayd, balse waa nolosha aad sannadahaagii noolayd. – Abraham Lincoln.
  8. Noloshu ama waa ku dhac ama waa waxbayahay – Helen Keller.
  9. Guuldarrooyinka ugu badan ee nolosha waxaa gala dad garan waayey dhowaanshiyaha guusha, markii ay is dhiibayeen. – Thomas A. Edison.
  10. Dadka guulaystay waa dadka ku dhaca in ay qabtaan hawl kuwa guuldarraystaa aanay doonayn in ay qabtaan. . – Jim Rohn.
  11. Jidka guusha iyo idka guuldarrada inta badan waa isku jid keliya. – Colin R. Davis.
  12. Ninka guulaystaa waa ninka sees adag ka dhigta dhagaxaanta ay dakda kale ku soo tureen – David Brinkley.
  13. Ha isku hawlin in aad noqoto shakhsiga guusha iska leh, eek u dadaal in aad noqoto qofka qiyamka leh – Albert Einstein.
  14. Qof kastaa waxa uun uu noqdaa waa uu aaminsan yahay. – Oprah Winfrey
  15. Caqabadda ugu weyni waa in aad gaadho go’aanka aad hawl ku qabanayso, wixii ka soo hadhaa waa madax adayg uun – Amelia Earhart.
  16. Nolol aanad tijaabo marinin ma’aha nolol u qalanta in aad noolaato. – Socrates.
  17. Fikirkaaga weynee, guuldarradana ku dhac u yeelo. – Norman Vaughan.
  18. Waa dhab in guuldarradu kugu keenayso niyadjab, laakiin in aad isku dayi weydaana waxa ay kugu keenaysaa halaag. – Beerly Sills.
  19. 1 Nolosheennu waxa ay ka samaysantaa boqolkiiba 10 ah waxa innagu dhaca iyo boqolkiiba 90 ah sida aynu waxaas uga dareen iyo jawaab celinno – Charles Swndoll.
  20. 20. In aad gaabisaa dhibaato malaha inta aanad socodka joojin. – Confucius.
  21. 21. Wax kasta oo kaa horyimaaddaa yaanay ku niyadjebin, waayo diyaaradduba dabaysha ayaa ay ka hortagtaa, waanay kag gudubtaa. -Henry Ford.
  22. 22. Badankeenu uma noolin riyooyinkeenna ee waxa aynu la noolnahay cabsida ina haysa, – Les Brown.
  23. 23. Haddii aad hoos u eegto waxa aad nolosha ku haysato, mar kasta wax ka sii badan ayaa aad heli. Laakiin haddii aad eegto waxa kaa dhiman, weligeed noloshu kuma filnaanayso. – Oprah Winfery.
    24. Haddii aad weli dhalinyartahay, waxa aad ogaataa 20 sano kaddib haddii wad ku dayaayo in aad ka murugoon doonto waxyaabo aad samayn karaysay oo aanad samayn, sidaas awgeed maanta ha dayicin fursadda aad ku shaqayn karto.