Qanjo Xanuunka Tayroodhku Waxa Uu Dumarka Ku Keena Ma Dhalaysnimo

30
4324

Washington (Geeska)- Saynisyahanno u dhashay dalka Maraykanka oo dhowaan daraasad ku sameeyey xaaladaha caafimaad ee la xidhiidha qanjo xanuunka ayaa ogaaday in qanjidhka dhuunta ee Tayroodhka loo yaqaannaa haddii uu bukoodo uu dumarka ku keeni karo ma dhalaysnimo.
Baadhis xeeldheer oo ay khubaradu ku sameeyeen qoysas cisbitaallada u yimi cabashooyin la xidhiidha ma dhalaysnimo, ayaa ay ku ogaadeen in sababaha ma dhalaysnimada dumarka keenay ee ugu badani ay yihiin hormoonka ‘Thyrotropin’ oo sida oo kale lagu magacaabo THS, shaqadiisa dabiiciga ahina ay tahay in uu qanjaha Tayroodhka ee dhuunka ku yaalla ka caawiyo in ay soo saaraan hormoonnada T3 iyo T4. Markii ay khubaradu sii baadheen khatarta ka dhalan karta kor u kaca hormoonka Thyrotropin waxaa u soo baxday in haddii uu hormoonkaasi dhiigga ku bato in uu si muuqata raad taban ugu yeesho awooddad halmo ee labka iyo dheddiga labadaba. Waxa ay xeeldheereyaashu baadhis kadib sii ogaadeen in khatarta ka dhalanaysa hormoonkani ay ku sii badan tahay dumarka.
Baunik Vazili oo ka mid ahaa xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey ayaa mar uu faahfaahin dheeraad ah ka bixinayey waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Natiijada cilmibaadhistu waxa ay tilmaamaysaa in hormoonka aynu soo sheegnay [Thyrotropin] oo dhiigga ku bataa ay raad taban ku leedahay uurqaadista dumarka, sidaa awgeed dumarka doonaya in ay dhalaan, waxaa u fiican in ay si aad ah ula socdaan heerka hormoonkan ee raacsan dhiiggooda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here