Beesha Ciise Muse Bari Oo Qaadacday Shirka Dubur Ee Dhawaan Lagu Baaqay

0
861

Hargaysa ( Geeska )Cuqasha, Odayasha iyo waxgaradka beesha Ciise Muuse Bari ayaa doobalka ka qaaday in joojiyeen shirkii beesha Ciise Muuse u balansanayd in lagu qabto magaalda Dubur ee ka tirsan Degmada Kheekh, isla markaana ay   ku raacen beeha Ciise Muuse Galbeed soo jeedintii ay soo jeedineen in aanay shirkaas ka qabgalayn.

Cuqaasha, Odayasha iyo waxagaradka Beesha Ciise Muuse Bari  ayaa sidan ku sheegay war murtiyeed ay ka soo sareen kulan ay ku qateen magaalda hargaysa. Odayaasha aya daboolka ka qaaday in uu shirkaas ajandayashii beeshu ugu talo galay ay ma jaro hababeen, isla markaasna  ay taasi keentay in shirka ay guud ahaantiiba joojiyaan. Waxaanay sidoo kale xukumaada ugu baaqeen inay qadato go’aanka cuqaasha iyo odayaasha Ciise Muuse.

Hadaba war murtiyesdkaas ay beeshu shirka jaraa’id ka soo saartay waxa uu u dhignaa sida tan

“Ka dib markii aanu galnay shirar lagu lafo guraayo shirkii lagu baaqay ee Ciise Muuse ee lagu qaban lahaa magaalada Dubur ee dagmada Sheekh oo mudadiisa dib loo dhigay marlabaad waxaan isl garanay oo aan isla aragnay in shirkaa sidii lagu waday uu ka baaqsaday, noqdayna shir aan qorshahii beeshu ugu talo gashay waafaqsanayn. Artintaasina ay nala aragtay beesha Ciise Muuse Galbeed baaqna ay ka soo saareen, anaguna aanu baaqaas ku taageersanahay. Hadaba sababahaas dartood waxaanu go’aansanay in aanu shirkaa joojinay, markaanu aragnay in aan laysku raacsnayan. Cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka beesha Ciise Muuse ay isku racsan yahiin joojinta shirkaas. Hadaba waxaanu xukumaada Somaliland aanu gadhsiinaynaa inay qaadato go’aanka ka soo baxay cuqaasha iyo odayaasha beesha Ciise Muuse. “

Fiiro Gaara

Waxaanu u sheegaynaa xukumaada iyo cidaha ay ku sabsantahayba, inaan magaca beesha nin aanay igmanina  aanu ku hadali karin, sidaasina ay waafaqsantahay nabadgalyada iyo sharciga dhaqanka iyo ka qarankaba.”

Liiska magacyada Cuqaasha iyo Odayaasha ee soo saaray war murtiyeedkan ayaa waxa ay kala ahayaneen

Jiif Caaqil cumar Jaamac X.Cilmi

Jiif Caaqil Cabdi Maxamed Saciid

Jiif Caaqil Maxamed Cabdi Faarax

Jiif Caaqil Axamed Ibraahin

Jiif Caaqil Xasan Shaqale Maxamuud

Gudoomiyaha Awal bari Cabdilaahi Maxmed Cabdiraxmaan

Caaqil Sugaal Cabdilaahi Cajab

Caaqil Cabdi Xirsi Dhuuxyare

Caaqil Cali yaasiin Maxamed

Caaqil Cabdilaahi Cali Ismaaciil

Caaqil Yuusuf Mire Cawaale

Caaqil Nuur Saciid Allaale

Oday Jaamac Cabdi Ubaxle

Oday Axmed Faarax

Oday Sadiiq Amed Galiix

Oday Kayse Cismaan Salebaan

Oday Axamed Cabdilaahi Maxamed.