Madaxweyne Biixi Oo Maanta Madaxtooyada Ku Qaabilaya Madaxda Mucaaradka Iyo Rajada Laga Qabo Inay Heshiis Ka Gaadhaan Caqabadaha Doorashada

0
713

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilaya madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilahan xogogaalka ahi, Madaxweyne Biixi oo ay dhinaciisa wehelin doonaan hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxa la filayaa inay madaxda mucaaradka ka wada hadlaan sidii xal waar looga gaadhi lahaa caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada golaha wakiilada oo ay ugu horeeyaan mustaqbalka guddiga doorashooyinka iyo weliba caqabadaha kale ee jira, waxaana suurtogal ah inay xisbiyada iyo madaxtooyadu saxeexaan heshiis uu ka soo shaqeeyay ergayga Midowga Yurub danjire Nicolás Berlanga Martinez oo isna Hargeysa u jooga isu soo dhawaynta madaxtooyada iyo mucaaradka.

Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradka ayaa farsamo ahaan isla afgartay qodobada uu soo diyaariyay ergayga Midowga Yurub oo ay ugu muhiimsanyihiin inay doorashada wakiiladu wakhtigooda dhacdo, in bisha august ee soo socota la magacaabo guddi doorasho oo cusub iyo In la magacaabo sagaal xubnood oo guddi doorasho ah, laakiin haddii uu Baarlamaaku diido doorashada lagu galo 7 xubnood sidii caadiga ahayd. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu toddobaadkii hore talo ahaan ku soo jeediyay in guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro oo markaas dalka dibadiisa ku maqnaa uu goob-joog ahaado marka heshiiskan la gaadhayo, waxaanu guddoomiye Cirro dalka soo gaadhay Arbacadii.

Ergayga Midowga Yurub oo isna dib ugu noqday dalka dibadiisa ayaa khamiistii dalka ku soo laabtay si uu u sii wado dedaalada uu isugu soo dhawaynayo madaxda siyaasadeed ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaate shacabka Somaliland ayaa u dheg taagaya kulanka maanta ee madaxtooyada ku dhex maraya Madaxweynaha iyo madaxda mucaaradka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here