Qalabkii Diiwaangelinta Cod Bixiyayaasha Oo Soo Gaadhay Caasimada Hargeysa

0
462

Picture1Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa soo gaadhay qalabkii lagu galayay diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

Sidaas waxa warsaxafadeed ku sheegay Siciid Cali Muuse oo ka tirsan guddiga doorashooyinka, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan “Maanta [Shalay] oo ay Bisha November tahay 10/2015 waxa si rasmi ah u soo gaadhay gadida diyaaradaha ee Cigaal Airport qalabkii lagu galaayay diiwaan galinta cod bixiyaha doorashooyinka.

Qalabkan oo laga soo raray caasimada dalka Demark ee Copenhagen, halkaas oo mudo hal toddobaad ah ay ku maqnaayeen labada komishaneer ee kala ah Cabdirahman Cisman Aadan iyo Saciid Cali Muuse oo ku hawlanaa soo rarista qalabkan ayaa si Rasmi ah u soo gaadhay dalka.

Qalabkan oo ah qalab casri ah looguna talo galay in lagu galo diiwaangalinta codbixiyaha doorashooyinka waxa ka gudoomay xubno komishanka qaranka ka tirsan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha komishanka qaranku Eng. Cabdiqaadir Iimaan warsame.

Gudida kommishanka oo warsaxaafadeed kooban siiyey saxaafada iyo xubnihii kala qayb galan u gudbiyeen in maantu u tahay komishanka qaranka iyo guud ahaan dalkaba maalin qiimo leh muujinaysana sida ay uga go’antahay kommishanka doorashooyinku nin ay hirgaliyaan diiwaan galin dhameystiran kana dhacda dalka oo dhan.”