Mudaharaad Ceerigaabo Ka Dhacay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
433

Picture2Ceerigaabo(Geeska)-Inta la ogyahay siddeed qof oo shacab ah ayaa dhaawacmay kadib markii ay isku dhaceen shacab mudaharaadayay iyo ciidamada amniga ee  magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. 

Dadweynahan ayaa la sheegay inay ka mudaharaadeen kadib markii ciidamada amnigu ay isku dayeen inay soo xidhaan nin ka tirsan ciidamada oo eedo aan la shaacin loo haystay. 

Dadweynaha mudaaharaadayey ayaa dhagxaan waa weyn ku xidhay waddooyinka magaalada Ceerigaabo qaarkood, iyaga oo sidoo kalena gubay taayaro.

Laba ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in xalaaddooda ay tahay mid aad halis u ah. Dadka dhaawacmay ayaa gebigoodba waxaa haleelay rasaas la riday.

Ninkan Booliska ah ee eedda loo jeediyay ayaa iska difaacay eedaha, waxaanu sheegay inuu rabshadaha ka dambeeyo taliyaha qaybta Booliska Sanaag. Geesta kale guriga uu ninkani degenyahay waxa jooga dad hubaysan oo ka difaacaya isku day ay Boolisku doonayaan inay ku soo xidhaan.