Qabyaaladda Ma Laga Gudbi Karaa? Xamda Maxamed Xuseen Cigaal

0
670

Waayadan danbe qabyaaladdu waxa ay noqotay, wax uu maqalkeedu dhagaheenna ka batay, waxa keli ah ee aynu kaga dareen celinnaa na uu yahay hiif iyo haaraan, weli se aynaan si hoose ugu gudo degin waxa innagu qasbaya in aan kusii dheggannaanno. Waa arrin aynaan waxba iska waydiin, warcelinno na u raadin.

1

Qabiilku waa is kooxaysi ku salaysan abtirsiin. (mar kale iyo meel kale macno aan sidan ahayn wuu yeelan karaa). Abtirsiintaasi ma sugantahay mise ma sugna? Waa weydiin kale oo meesha taal, aanan se hadda u socon in aan isku furfuro. Qabyaaladduna waa iyada oo is kooxaysigii fal loo rogay. Waa is garabsiin dhib iyo dheefba yeelan karta, sidoo kalena manfaceeda kooxaha ka wada tirsani ay kala badsan karaan. Marar badan qabiilku waxa uu u adeegaa, tiro yar oo kooxaha ku midaysan ka mid ah.

Is kooxaysigu dunida siyaabo badan ayuu uga jiraa, dadkuna ujeeddooyin kala duwan ayay isku kooxaystaan, baahiyo kala geddisanna way ku kellifaan is kooxaysigoodaas. Kuwo waxay isku kooxaystaan mabaadii siyaasi ah oo ay dejisteen, kuwo kalena diin iyo caqiido ay aaminsanyihiin. Kuwo ayaa isku kooxaysta shaqo ay qabanayaan. Halka kuwo kalena isku kooxaystaan xirfad ay wadaagaan.

Qofku sidiisaba kama maarmo garab uu ku tiirsado. Garab baahidiisa iyo badhaadhihiisaba og. Sidaas ayaanay dunida uga jirayn oo u dhacayn in la arko, shakhsiyo iskood isaga jira oo aan meelna ku abtirsan. Sidaas si la mid ah ayaanay iyana suurtogal u ahayn, wax la isku kooxaysto oo dhibtiisu ka badatay dheeftiisa, in bulsho laga burburiyo, iyada oo aan loo keenin amaba loo hayn wixii u beddeli lahaa.

Innaga Somaliland ahaan, inkasta oo aqoon la yeeshay oo xirfadley samaysantay, inkasta oo xisbiyo siyaasadeed la abuuray, inkasta oo fikrado diini ahi jiraan, haddana waxa ugu weyn ee shicib iyo dawlad ba aynu isku kooxaysannaa waa qabiil – walaw iskooxaysigeennaas magaca aynu ugu yeedhaynaa aanu kaasba noqone. Hadal la yidhi, weligiiba wax la caadaystay ma joojin, wax ay cidi aaminsantahay in ay baahi u qabto oo ku tiirsantahay na, iyada oo wax u doorriya aan loo keenin kama ay tegin. Waan qirsanahay in qabyaaladdu ay hadda innagu tahay, carqalad dawladnimadeenna, horumarkeenna iyo ilbaxnimadeenna ba hortaagan, waxa kale oo aan iyana ogahay in ay sidaas ahaan doonto amaba kasii dari doonto inta aan dadka loo keenin wax u beddela. Inta ay dadku u arkayaan in aanay waxba uga baahnayn ku jirista xabsigaas weyn ee in badani ku qasbantahay in ay iska dugsato.

Nebigu NNKHA waxa uu carab u yimid iyaga oo qabiilka weyneeya. Iyaga oo isku yasa, isku addoonsada, iskugu faana oo iskugu awood sheegta haybta ay ku abtirsadaan. Waxa uu dhisay dawlad islaami ah oo awood badan, taas oo dabooshay baahiyihii aasaasiga ahaa ee qofka. Illaa heer laga gaadhay in aanu qofku waxba uga baahan qabiilka uu yahay, ee ay jirto dawlad u qabata intii qabiilku u ahaa iyo ka badanba.

Waxaa sooyaalka lagu arkay, laba saaxiibadii Nebiga NNKHA ka mid ahaa, oo Islaamka ka hor midna addoon ahaa midna laandheere aan laga daba hadal ahaa, in Islaamnimadii kadib ay maso noqdeen, weliba kii addoonka ahaa uu ixtiraam ka dheeraad ka ah helayay. Waxaan ku aragnay taariikhda in marka Bilaal oo nin madaw ahi usoo galo asxaabta, uu Cumar Binu Khaddaab IRHA odhan jiray u istaaga sayidkiinna. Xilliga isbeddelka intaas le’gi dhacayo waa muddo yar oo kooban.

Dhacdadan waxa aan ka baran karnaa – in laga tegi karo qabyaaladda, weliba wakhti yar haddii loo hagar baxo. Haddii ay innaga dhabtahay in aynu sinnaano oo u sinnaano fursadaha jira iyo kheyraadka dalka, aynu la nimaadno wax guud oo inna mideeya. Wax inna tusa in aynu hal nahay oo ujeeddo guud wada leennahay.

Waxa aan u baahanahay fal i tusa, ninka/gabadha Gabooye/Samaroon, Ciise, Harti iwm ee iga haybta duwani in wax aan dantayda ahayn aanay ku foognayn. Waxa aan rabaa wax aanu isku kooxaysanno oo aan afka ahayn, ee iga xigsiiya qofka ay isku qabiilka yihiin.

Dawladda fursadaha u bannaan ee ay iskooxaysi aan qabiil ku dhisnayn ku abuuri karto waxaa ka mid ah; in la abuuro ururro ku dhisan xirfad, aqoon iwm, haddii ay jiraanna awood loo yeelo, in la sameeyo xisbiyo mabaadii ku salaysan oo wax lagu kala doorto leh. Tusaale; Ururka xisaabiyayaasha, ururka baalashlayaasha, ururka dhakhaatiirta, ururka dadka macaanka qaba.

Haddii si dhab ah aynu ugu dhaqanno, waxaynu arki lahayn iyada oo aan qabiil waxba looga baahdeen, sidoo kalena aan la arkeen qabyaalad laga cabanayo. Ururka aad ka mid ka tahay ayaa kuu noqonaya garab iyo gaashaan. Maalinta wiil yar oo kabocaseeye ah lagu xidho Badhan, wax alla wax kabacaseeye dalka jooga ayaa shaqo joojin samayn lahaa, markaas ayaa dhacdadaa ka dhacday bariga fog laga dareemi lahaa, Saylac oo cidhifka galbeed ah. Is kooxaysiga sidaas ah, ma jiro qabiil ka weyn oo uu qofna jeclaan lahaa in uu kusii tiirsanaado.

Maalinta mala-awaalkani dalka ka hirgalo, waxaan hubaa in aan anigu ku abtirsan doono – ururka dhaqaaleyahanka, halka saygaygu uu xubin firfircoon ka noqon doono, xisbi siyaasadeed dimuraadi ah. walaalkay isagu ururka dhakhaatiirta xoolaha ayuu ku jiri doonaa. Saxiibadday iyadu waxa ay xubin muhiim ah ka noqon doontaa mid ka mid ah ururada bulshada.

Haddiise warkeennu kusoo ururo qabyaaladda ha la joojiyo, mise na aynaan wax innoo dooriya la iman, xaalkeennu wuxuu noqon doonaa markaas, sidii uu macallinkaygii Gaarriye IHUN waa hore sifeeyay.

Nin wax diiday oon wadin

Wax kaluu ka doorbido

Wuxuu doonayaan jirin

Xamda Maxamed Xuseen Cigaal

27th March, 2016

Hargeysa, Somaliland