Gabay Baroor-Diiq Ah: Jimcadu Galbaday Waxa Curiyay Abwaan Sacad Axmed Xasan

0
983

Gabaygan oo uu curiyed Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile wuxuu ugu baroordiiqayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid walaalkii ama inaadeerkii Marxuum Cumar Cabdi Xasan (cumar-saalax) oo lagu aasay Magaaladda hayderban ee carriga dalka Hindiya, taariikhda 31/04/2016. Wuxuu yidhi sidan:

Gabaldhacay wadnaha oon garnayn, goor danbiyo laylki

Sida xuur wadkeed galay waxaan, wada galluubnaano

Ama guluf colaadeed kolkuu, go’ay la yaacaayey

Ama sida gammuun qaarad kale, gannan la soo tuuray

Ama guban abaartii sidii, gaban u ooyaayey

Ama telifan sida koorta geel, gininig laynaayey

Gurxankayga laabtii waxay, gululum laynaysay

Qarqarsiga sidii awr gar weyn, gommodda qaadaynin

Hayderaban geyiga durugsanaa, goobta lagu aasay

Dalka aanan gaadhayn miyaan geedna ii muuqan?

Geeriyahay dadkii waad gurtee, garab miyaad goysay

Ma suldaanki baa geeri ba’an, goonni ula joogay?

Galiilyoda jamaalow qalbiga, gawda ladi wayday

Indho gabadhle murugadan ilmada, gobo’da kaa haysa

Yaxyow galgaladkii hurdada, Gama la’aan tayda

Faysal oo gab soo yidhi gariir, gibil ma hoos jiifay

Geeriyahay dadkii waad gurtee, garab miyaad goysay?

Goodaad adeerkay miyuu, geelle iga raacay

Giddigood jannada eebbe gee, waa god aakhiro’e

Ga’da xaraf guhaankii miyaan, gabaygi dayn waayey

Maatiduu gargaaraayey iyo, gacantu siinaayey

Ama gurada wada saarayee, naga gunnaynaayey

Gabbood wuxu cabdow noo ahaa, garab walaaleede

Maantaan halkii garanayaa, gaadh ahaan jiraye

Gob miyaan la guranayn midhihi, guudka bixinaayey

Gahgahduu qoslaayiyo farxaan, gees bannaynaayey

Ama sheeko googoos kaftana, gole ka maadeeyey

Giraantii la soo meerin jiray, gelengel weeyaane

Guntiguu xidhnaa hawlkarnimo, gudasho hawshiisa

Ama guri cas kuu oodi jiray, guul ka dhallinaayey

Shirkadduhu gardaadshiyo wuxuu, galacda waa toosay

Geeriyahay dadkii waad gurtaye, garab miyaan waynay

Goodaad adeerkay miyuu, geelle iga raacay

Belwad gawska jaad muu ku cunin, laacib waad garane

Kubbad xeegadii uu girgirin, gudub u rooraayey

Garoon sacabka loo tumo ciyaar, gool wuxuu dhaliyey

Geeriyeey dadkii waad gurtaye, garab miyaad gooysay

Guurtiduu ahaan jiray intuu, goob iskugu geeyo

Gartuu gooyo iyo hadal runtuu, gaw ku siinaayey

Garwaaqsiga asxaabtii siduu, ugu guddoomaayey

Geeriyahay dadkii waad gurtaye, garab miyaad goysay

Xaq anoon giriifayn illaah, geeridani keenay

Gaadaay adduunyooy ileyn, gelinba waa cayne

Eebbow wixii aan gefnana, yaan la nagu giijin

Quraankii qalbiga uu geshiyo, diintu garranaayey

Iyo camalki uu goorkastaba, gudan salaadiisa

Illaahay jannada gogol xariir, kuu abaal gudiye

Godku waasac kuu noqay illaah, kugu gargaar siiye

Guddahii fardows lagu dhex gee, gallad niciimaade

Geeddi dheer quraankoo macaan, noqoy gasiinkaaye

Muslimkii gelbinayiyo ergadi, gurigu kuu nuure

Oo guul raxmaankii ku sii, garo su’aashiiye

Gurmadkiyo malaa’iig illaah, lagu guddoonsiiye

Jimcaduu galboday khaaliqow, noqay mid guulaysta

 AAMIIN, AAMIIN