Qabiil Aaminsan In Amiir Philip Ka Ay U Dhaxday Boqoradda Ingiriisku Uu Ilaahooda Yahay Iyo Sababta

0
664

Picture8London (Geeska)- Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa dhowaan baahiyey mawduuc uu cinwaankiisu ahaa, “Waa maxay sababta uu qabiilka dega dalka Vanuatu u aaminsan yihiin in Rabbigoodu uu yahay Amiir Charless” Warbixin uu saxafi ka tirsan wargeysku ka soo diray dalka Vanuatu oo ah jamhuuriyad jasiirad aad u yar ah oo xorriyaddeeda Faransiiska iyo Ingiriiska ka qaadatay sannadkii 1980kii ayaa sheegay in dadkani ay aaminsan yihiin in Amiir Philip oo ay sayga ay u dhaxday boqoradda dalka Ingiriiska Elizabeth II uu yahay Rabbigooda dhabta ah, isla markaana uu sannadka dambe 2016 ka uu booqan doono.

Warbixintu waxa ay intaas ku dartay in qabiilkani uu aaminsan yahay in Amiir Philip ay ku jirto naf (Ruux) ay lahaayeen awoowyadoodii hore oo isaga samada kaga soo degtay. Sidoo kale waxa ay dadka qabiilkan ee baadiyoobay aaminsan yihiin in duufaanno bishii March dalkaas ka dhacay ay ahaayeen calaamad u gogol xaadhaysa booqasho ay sheegeen in Rabbigu dalkooda ku iman doono sannadka 2016. Qabiilkani waxa ay aaminsan yihiin in nin dhowr sano ka hor dhintay oo lagu magacaabi jiray Fred Nass uu ahaa Nebi, waxyaabo badan oo uu sii sheegay intii aanu dhimanna ay arkeen dabadii.

Sannadkii 1974kii ayaa amiir Philip oo wehelinayey afadiisa boqoradda ahi iyaga oo markab dagaal la socda ay booqasho ku tageen deegaanka jasiiradda Vanuatu ay ku taallo, dadka qabiilkanina waxa ay aaminsan yihiin in berigaa markabka ay qoyska boqortooyadu saarnaayeen uu dhinac maray laash yar oo uu lahaa mid ka mid ah dagaalyahannadii qabiilka, ninkaas ayaa inta uu markabkii joojiyey kadibna salaamay Amiir Phillip. Kadib ninkaas dagaalyahanka ahi markii uu amiirka aad u eegay una fiirsaday muuqiisa iyo dhiiggiisa waxa uu aaminay in amiirku uu isir ku leeyahay awoowyadoodii waaweynaa ee hore, laakiin maadaama oo aanu qabiilkan ahayn, macnuhu uu yahay in amiirka ay ku soo degtay ruuxda mid ka mid ah awoowyadaas sidaa awgeed uu Rabbi ugu noqonayo qabiilka.