Dawlada Somaliland Oo Beenisay In Imaaraadka Carabtu Aqbalay In Dalkooda Lagu Galo Baasaborka Somaliland

0
510

Picture7Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa beenisay in Imaaraadka Carabtu ogolaaday in Baasaaboorka Somaliland lagu galo wadankooda.

Qoraal ay xalay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku baahisay barta ay ku leedahay facebooka, waxay ku sheegtay in wada hadal labada dawladood uga socdo ku tegitaanka Baasaaboorka Somaliland ee Imaaraadka Carabta balse aanu jirin ogolaansha rasmi ah oo ay UAE bixisay, “Wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ahi waxay beeninaysaa war ay ay qaar ka mid ah warbaahinta wadanku baahisay oo tilmaamaya in Imaaraadka Carabtu ogolaaday in Baasaaboorka Somaliland lagu galo wadankooda.  Hawsha in Imaaraadka Carabtu ogolaado Basaboorka Somaliland way socotaa, hase yeeshee weli Imaaraadka Carabtu muu ansixin ogolaanshaha Baasaaboorka Somaliland.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka, oo intaas raaciyay in labada wadan bilaabeen xidhiidh iskashi oo diblomaasiyadeed oo dhinacyo badan ah ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan  magacaabay wakiilka Somaliland ee dalkaas Baashe Cawil.