Qaar Ka Mid Ah Odayaasha Konfurta Hargeysa Oo Cambaareyay Hadalo Ka Soo Yeedhay Md. Siciid Sulub

0
606

Picture1Hargeysa(Geeska):-Qaar ka mid ah madax dhaqmeedka ka soo jeeda koonfurta magaalada Hargeysa ayaa si kulul u cambaareeyey hadal ay sheegeen in Siyaasi Siciid Sulub Maxamed uu dhawaan warbaahinta ka sheegay,kaasi oo ay sheegeen in uu yidhi waxaanu ka xisbi ahaan aanu wasaarada duulista ka soo raraynaa halka ay hada ku taalo ee agagaarka Madaarka Cigaal,waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin in Siciid Sulub uu hadalkaas uu ku tiraabo,iyaga oo sida oo kalena ugu baaqeen in uu si dag deg ah uu arrintaas  raali galin uga bixiyo.

Madax-dhaqameedkan ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa,waxaana ay sida oo kale ay sheegeen in xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray ay xukuumadani ku war wartay in ay xafiisyo ka furato deegaanada koonfurta Hargeysa.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey u jeeda ay shirkan jaraa’id ay u qabteen.“Halkan waxaan ku qabanaynaa shir jaraa'id oo mucda hadalku uu yahay hadal aanu ka maqalnay Saxaafada oo ka soo baxay Wasiirkii hore ee hawlaha guud Siciid Sulub.Magaaladan Hargeysa ee aynu ku nool nahay wakhtigii Ingiriiskii ayaa la sameeyey dhuka shacabka,dawlada oo dhan ayaa ooli jirtay,Ingiriisku sabab ayaa uu u sameeyey sababta uu ugu sameeyey mar waxaa ay ahayd dee mar waa ninkaa caddee dadkan madaw ayuu iska takoorayey,mar labaadna amaankiisa ayaa uu ku illaalinaayey,markii aynu xornimada qaadanay de waxaa ay ahayd in Wasaaradaha la kala rararo oo magaalada koonayaasheeda la kala geeyo,laakiin may dhicin midh kii ugu horeeyey ayaa imika bilaabmay,Wasaarada Duulista iyo Hawadu waxaa ay ku haboontahay in madaarka la ag geeyo,aniga shakhsiyan sida ay iila muuqato,deedna dawladan imika joogta ama wasiirka duulista iyo hawadu,waxaa u sameeyey wasaaradii waxaa uu u soo raray Madaarka agteeda,waan wasaaradii ugu horeysay ee laga rar dhulka shacabka dee waxaa ay ahayd wax wanaagsan ayaanu u arkaynay,waxaanan jecelahay in wasaaradaha midba meel loo raro,in magaalada la kala wada geeyo.markaa dee si dadka maamulku u wada gaadho ayaa ay ahayd”Ayuu yidhi Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi:“Waxaanu se la yaabnay Wasiirkaasi waxaa uu ku dhaleeceeyey wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Wasaaradaas la raray,anagu u hadli mayno xisbi oo waxaan u nahay dad shicib ah,waxaanu nahay dadka magaalada deegaanka u ah.oo dee ma waxii macquul ah ee uu ku eedaynaayo dawlada mise in uu ka hadlo wasaarad meel loo raray,waxii uu dawlada ku eedaynaayo dee xor ayaa uu ahaa,se anagu waxa aanu ka hadlaynaa waxa ay ahayd kalmada uu yidhi Sicid Sulub oo ahayd kalmad aan meesha leekayn.WADDANI-na dee waxaa bad mooda haddii ay kalmada beenin waayeen in aanay dee shacabka qayb ka mid ah in aanay dee codba ka doonayn,guddoomiyaha WADDANI waan dhagaysanaayey maalintii dhawayd hadalkiisa,hadal xun muu lahayn si waayeel nimo ah ayaa uu u hadlaayey,dee laakiin waxaa ay ahyad midhkaa Sicid Sulub uu yidhi oo aan meesha leekayn in uu beeniyo".

Guddoomiyaha Gudida Beesha Ciidagale Caaqil rashiid Maxamed Jaambiir oo isna sida oo kale halkaasi ka ayaa waxaa uu yidhi:"Somaliland gabaladeeda,tuulooyinkeeda iyo dagmooyinkeedaba dalka waa isagu mid,dawladana wa isagu mid meel kastana dawladu waa ay dagi kartaa oo dalka iyo dhulka iyada ayaa leh meesha ay doonto ayaana ay dagi kartaa,laakiin in uu Siciid uu yidhaahdo marka aanu ku guulaysano waanu ka soo raraynaa oo wasaarada waan ka raraynaa oo waxanu keenaynaa badhtanka magaalada.badhtanka magaalada dee Magaalada Hargeysa dawlada ayaa wada lahoo waa iskugu mid arrintaasina waxa ay iila mid tahay in ay barnaamijka Xisbiga ay tahay ee la odhan jiray marka aanu ku guulaysano waxaas ayaanu qabanaynaa,dee Siciidna waxaa uu no sheegay barnaamijkoodii oo ay tahay waxa ay qabanayaan marka ay guulaystan in ay tahay in xidhaan Madaarka oo wasaarada oo la xidhay madaarka oo la xidhay ayuunbaa ay ka mid tahay,arrintaasina waxaa ay illa tahay waxii uu calooshiisa ku haystay ayuunbaa uu halkaas ka yidhi ama barnaamijka xisbiga ahayd".

Ugu danbeyntiina,waxaa isna halkaasi ka hadlay mid ka mid ah madax dhaqameedk deegaanka koonfurta Hargeysa,waxaana uu sheegay in uu isna aad uga xun yahay hadalkaas uu Siciid Sulub Maxamed uu ku dhawaaqo,waxaana uu sheegay in maamulka hada jiraa uu yahay maamulka qudha ee xafiis ka dhistay deegaanka Koonfurta magaalada Hargeysa.

"Waxaan ka hadlaynaa waa baraarujin hadal uu Siciid Sulub is yidhi malaha wax ku kordhiso oo balse u eeg in ay wax yeelayso,Somaliland marka aynu ka hadlayno intii ay maamuladu ay jireen badhkeed ayaa uu ahaa Wasiir,Wasiir-kuna waxaa uu wasiir uu u yahay dee umadda,waxaan is nidhaahno waa ay ku war wartay ama se wasaarad bay dhistayba,maamulkaa hada jira ayaa kow ka ah,isagu xafiis kamuu dhisin maamuladiisii tii laga dhisayna waxaa uu yidhi ha laga raro,waxaanu taa u aragnay in aanu malaha taa ka fiirsan oo aanu baykiisii hore aanu baadhin,waxaanu leenahay Sicid Sulub  dee Xafiiskii u horeeyey ee Wasaarada ee laga dhisay deegaamadan ha la raro waxaa ay ka dhigantay malaha dee dadkaa uma baahnin,raali galin dag deg ahna waa in uu Siciid Sulub uu ka bixiyaa".Ayuu yidhi Mid ka mid ah madax dhaqameedka oo halkaasi ka hadlay.