Qaar Ka Mid Ah Eheladii Dadkooda Jaziira Lagu Xasuuqay Oo Ka Hadlay Murashaxnimada Maslax

27
590

 

jasiiraMuqdisho(Geeska)-Iyadoo uu Maslax Maxamed Siyaad Barre oo ah wiilka uu dhalay keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka mid yahay murashixiinta tartanka madaxtinimada Somaliya, ayaa waxa ay bulsho badan oo reer Somaliland ahi mar kale soo xasuusatay xasuuqyadii kala duwanaa ee loo

 

gaystay shacabka Somaliland, gaar ahaan xasuqii Jasiira.

Gen. Canjeex oo ahaa ninka uu shakhsigii kelidii ka badbaaday xasuuqii jasiira ee 1989, ku eedeeyay inuu fuliyay hawlgalkii dadkaas lagu laayay, ayaa mar uu Canjeex iska difaacayay eedaymahaas wuxuu sheegay inuu Maslax Maxamed Siyaad Barre ahaa ninka sida tooska ah hawlgalkaas u hagayay ee bixiyay amarka lagu laayay 47 muwaadin oo reer Somaliland oo wakhtigaas degenaa Muqdisho laguna xasuuqay xeebta Jasiira, iyadoo keliya loo laayay haybtooda.

Ehelada dadkaas la  laayay oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa waxa ay cambaareeyeen murashaxnimada Mr. Maslax oo ay murashaxnimadiisa ku tilmaameen inay muujinayso cadaaladii oo aan weli guulaysan mar haddii Maslax iyo shakhsiyaad kale oo xasuuq ku suntani ay weli rajo ka qabaan inay madax ka noqdaan Somaliya, waxaanay hay’adaha xuquuqal insaanka ugu baaqeen in la qabto Mr. Maslax si cadaaladda loo horgeeyo, mar haddii aanu weli iska difaacin eedaha xasuuqii jasiira ee uu ku riixay Mr. Canjeex.

Maaha markii koowaad ee uu Maslax isu soo sharaxo madaxtinimada Somaliya, waxase ka horeeyay sannadkii 2010 oo uu noqday murashaxa keliya ee sida adag ula tartamay Shariif Sheekh Axmed oo wakhtigaas ku guulaystay madaxtiniamda Somaliya

Comments are closed.