Daahir Rayaale Kaahin Oo Si Kulul Uga Jawaabay Qoraalkii Ay Gudiga Diiwangelintu Ku Laashay Murashaxnimadii UDUB

0
606

 

rayaaleHargaysa( Geeska )- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Udub Md.Daahir Rayaale Kaahin, ayaa qayrul sharci iyo dacaayad loola jeeday xisbiga Udub ku tilmaamay warqadii dhawaan ay gudida diiwangalintu ku laaleen musharaxiinta xisbiga Udub ee dhawaan la doortay.

 

Daahir Rayaale waxa uu sheegay in xisbiga Udub uu xaq u leeyahay inuu doorto musharaxiintiisa isla markaasna aanay ka noqonaynin musharaxiinta ay doorteen, 

waxaanu ugu baaqay gudida diiwangalinta inay ka laabtaan warqadaas ay soo qoreen.

Waxa uu arintan kaga hadlay Daahir Rayaale shir jaraa’id oo ku qabtay gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargaysa, waxaanu ugu danbayntii sheegay in musharaxiinta xsibiga Udub laga ansaxin doono shirweynaha xisbigooda marka la gaadho.

Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay gudoomiyaha xisbiga Udub ahaana madaxweynahii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Sidan “ Waxan ka hadlayaa warqad ka soo baxday gudida diiwangalinta oo ay ku sheegeen musharaxiintii Udub inay laa’leen, horta warqadaas waxaan sheegayaa inay qayrul-sharci ay tahay marka koowaad, musharaxiinta xisbiyadaa samaystee uma sameeyaan gudida diiwangalintu, kala saaristooda u danbaysana gudida doorashooyinkaa isaka leh. Shirka aanu qabsanay 27 bisha              ( sideedaad ),warqadii ay soo qoreen gudida diiwangalintu waxay ku sheegeen 28-kii inaan qabsanay, taasi waxay muujinaysaa warqad iyaga oo aan xogagaal ahayn in ay iska qoreen, shirkayagaasna musharaxiin-uun kumaanu soo saarine waxyaabo badan ayaan ka soo saarnay, taasina waxay muujinaysaa inay meel cidlo ah ka guureen.” Daahir Rayaale isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ Waxaan u arkayaa ujeedo gaar ah oo xisbiga laga leeyahay oo waliba gudida diiwangalintu ay ka leedahay, sababta oo ah musharaxiin kale ayaa jira ee maxay ugu hadli waayeen, oo warbaahinta ay uga sheegi waayeen, markaas waanu da’dafaynaynaa, waxaas ay soo jeediyeen, qoraalna waanu ugu sheeganay in waxaas ay soo jeediyeen ay khaldanyahiin.”

Intaas kadib waxa uu Daahir Rayaale u soo jeediyay gudida diiwangalinta inay ka noqdaan qoraalkaas ay u soo direen xisbiga Udub “ Xeer musharax sheegaya inay ka hadlaan xeerkoodaba kuma jiro, xeer 14 qodabka 17-aad waxa uu sheegayaa mudo 15 casho ah waxii hogaanka xisbiga iska badala inaan ugu gibino gudida diiwangalinta,komishanka doorashooyinka iyo xeer ilaalinta, mudadiina iyadoon gaadhin oo aanay wax qoraal ah naga hayn ayaad moodaa warkaas si aanay ka fiirsan inay u qoreen,aad baanu uga xunahay, waxaan leenahay gudi dhexdhexaad ah ayaa laydiin magacaabay, arimahana inaad ka fiirsataan kana noqotaan, waxaanan u arkaynaa inaad xisbiga dacaayadaynaysaan isaga oo maata doorasho galaaya, wax heer ah inaad noo soo qorteena uma arkayno, taasna gafbaan u aragnaa, wax laydinka filaayayna maaha.”

Gudoomiyah xisbiga Udub Daahir Rayaale waxa uu ku tilmaamay qoraalkaas gudida diiwangalintu ay ku sheegeen inay ku laaleen musharaxiintii xisbiga Udub warar dacaayad ah, waxaanu sheegay in aanay  badali doonin musharaxiintooda “ Aadna waan ugu xumahay warar caynkaas ah oo dacaayad ah  oo waliba Udub uun ku jihaysan, waayo musharaxiin kale ayaa ka horeeyay ee maxay uga hadli waayeen, waa waxa iswaydiinta leh, waana sababta aan u leeyahay Udub uunbay ku jihaysantahay, musharaxiintayadana waxay ahaanayaan kuwa la doorto ee u tartama jagada madaxweyne ku xigeenka, wax allaale iyo waxaan ka badalaynaana ma jirto, waxkasta oo la soo qoro, waayo waxaanu u aragnaa inaan sharci u leenahay inaan musharaxayaga gaysano, waxaanan ka ansaxin doonaaa shirweynaha xasbiga, golaha dhexena waxa uu leeyahay inta u dhaxaysa labada shirweyne  go’aano inuu soo saaro, kuwaas oo markastaba laga ansaxinaayo shirweynaha xisbiga.”