Hargeysa: Xafladloo Qabtay Arday ka Qallin jebisay Jaamacada Fairland

0
624

 

fairlandHargeysa (Geeska)- Dufcaddii u horreysay ee ka qallinjebisa jaamacadda Fairland qaybteeda magaalada

 

dhammaystay kulliyadaha kala ah; Cilmiga Horumarinta (Development Studies) oo shahaadada Degree ah, Culuunta Saxaafadda iyo War-isgaadhsiinta (Art and Mass Communication) oo isugu jira shahaadooyinka Degree iyo Diploma, maamulka ganacsiga (Business Administration) iyo Horumarinta Bulshada (Community Development) oo labaduba ahaa shahaadooyinka Diploma, kuwaas oo muddo sannado ah wax ka baranayey Jaamacadda Fairland qaybteeda Hargeysa.

Kulliyada culuunta saxaafadda oo ay ka qallinjabiyeen arday dhawr iyo toban ah, ayaa waxa ku jiray xubno ka mid ah maamulka iyo suxufiyiinta ka hawlgala qaar ka mid ah wargeysyada waaweyn ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Jamhuuriya iyo Geeska Afrika, kuwaas oo ay uga soo kala baxeen – Jamhuuriya saddex xubnood oo kala ah Maareeyaha Guud Mustafe Sacad Dhimbiil, Tifaftiraha Guud Maxamed Cumar Cabdi iyo Cali Jaamac Maxamed oo ka mid ah suxufiyiintiisa sare iyo Geeska Afrika oo ay u qallinjebiyeen Tifaftiraha guud Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) iyo Guddoomiyihiisa Kamaal Axmed Cali oo isagu diyaariyey shahaadada degree-ga ee cilmiga Horumarinta.

Munaasibadda loo sameeyey qallinjebinta ardaydaasi waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, Wasiiro xukuumadda ka tirsan, wasiirro hore, xubno metelayey qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda, wefti madax sare ah oo ka socday Jaamacadda Fairland xarunteeda guud ee dalka Uganda, maamulka iyo shaqaalaha xarunta jaamacadda ee Hargeysa, ardayda qallinjebisay, waalidiin iyo marti sharaf kale oo badan.

Maamulaha Jaamacadda Fairland qaybteeda Hargeysa Mr. Cadbisamad Ciise Faarax oo ugu horreyn hadal kooban ka jeediyey xafladaasi, ayaa u mahadceliyey marti sharaf kala duwan ee ka qaybgalay iyo ardayda qallinjebisay, waxaannu sharraxaad ka bixiyey heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacadda iyo weliba waxbarashada ardaydu dhammaysteen.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Khaarajiga Mawliid Faarax, wasiirradii hore ee Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha – Boobe Yuusuf Ducaale iyo Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ah madaxda xisbiga UCID oo dhammaantood ka hadlay xafladaasi, ayaa si diiran u hambalyeeyey ardayda qallinjebisay oo ay isku raaceen inay barteen culuun dalku baahi weyn u qabo, iyagoo kula dardaarmay ardayda inay sii wadaan waxbarashadooda, ugana faa’iideeyaan dadkooda iyo dalkoodba.

 Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Fairland Prof. Dr. Solomon Wakabi oo hoggaaminayey weftiga Uganda uga yimi qallinjebinta, ayaa khudbad dheer oo uu jeediyey waxa uu kaga warramay faa’iidooyinka cilmigu leeyahay oo uu si gaar ah u tilmaamay in horumarka bini’aadamku ku xidhan yahay, heerka ay taagan tahay jaamacadoodu oo uu sheegay inay ka mid tahay kuwa ugu horreeya dalka Uganda.

Waxa kale oo Dr. Solomon ku ammaanay dawladda Somaliland madaxbannaanida ay siisay waxyaabaha gaarka loo leeyahay, gaar ahaan waxbarashada oo uu xusay inay si weyn ugu horumartay. Waxaannu halkaasi ka ballanqaaday in ay jaamacad ahaan ku garab-taagan yihiin qaybta Hargeysa ka qaybqaadashada tacliin tayo leh oo Somaliland hesho.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna hoggaamiyaha Urur-siyaasadeedka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isagu soo gunnaanaday xafladaasi, ayaa dareen farxad iyo kalgacal ka muuqdo ku hambalyeeyey ardayda qallinjebisay oo uu Alle uga baryey inuu ku anfaco culuunta ay barteen.

“Maanta waxaan idin la qaybsanayaa farxadiina inaad qaadanaysaan shahaadooyinkii aad muddada dheer ee sannadaha ah ku soo tabcayseen, waxaad tihiin hoggaamiyayaashii berri ee na beddeli lahaa odayaashayada anigu aan u horreeyo, sidaa darteed aad baanu idiin soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Ugu dambayntii waxa ardayda qallinjebisay halkaasi lagu guddoonsiiyey nuqullo ka mid ah shahaadooyinka ay diyaariyeen ee isugu jira Degree-ga iyo Diploma-da.