Qaar Ka Mid Ah Culimada Dalka Ugu Magaca Weyn Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Hadal Ka Soo Yeedhay Guddoomiyaha Komishanka AIDS-ka

1
902

 

culima awdiinHargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah culimada dalka ugu magaca weyn ayaa wax laga naxo ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay agaasimaha Komishanka HIV/AIDS Maxamed Daahir Khayre oo ku saabsan isticmaalka cinjirka galmada ee Kondhobka loo yaqaano oo la sheegay inuu u fasaxay inay ciddii doonaysa siiyaan xanaanooyinku.

Culimadani waxa kale oo ay jawaab ka bixiyeen eedayn uu agaasimahani u jeediyay culimada dalka oo ah inay fikir khaldan ka baahiyeen cinjirkan, waxaanay culimadu sheegeen inaanay faafin fikir khaldan balse ay umadda u gudbiyaan wixii wax tar u leh aakhiro iyo adduunyaba.

Sida ay warbaahinta qaarkeed shalay baahisay Agaasimaha oo tababar u xidhay qaar ka tirsan hawlwadeenada xanaanooyinka ka hawlgala, wuxuu yidhi, “Waxaan idinka Codsanayaa inaad dadka siisaan Kondhomka Cidii idiinka Baahata oo aydaan u diidin, waxaad moodaa in culimada Diintu dadka Fikir khaldan ka dhaadhiciyeen oo ay ku yidhaahdeen Kondhobku waa dhaqan xumo, laakiin waxaan idiin sheegayaa inaanay waxba ka jirin arintaasi Ilaahayna idiinku Cadhoon maayo cid kalena idinku canaanan mayso ee dadka Siiya qofkii Xanaanada idiinku yimaada ee idin waydiista kodhobyada, oo cidna dheg ha u dhigina”. Haseyeeshe culimada dalka qaarkood ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid laga naxo, qoraal ay soo saareen shan ka mid ah culimadu dalku oo ciwaanlooga dhigay fadwo culimo, waxay ku yidhaahdeen, “Haddii aanu nahay culimada hoos ku xusan, waxaanu u aragnaa wax laga naxo oo laga xumaado amar uu soo saaray agaasimaha Komishanka HIV/AIDS Maxamed Daahir ee uu ku faray xanaanooyinka dalka inay siiyaan Condomka (Cinjirka galmada) ciddii ka codsata. Waxa kale oo uu sheegay inay culimadu fikir khaldan ka fidiyaan Condomka. Warkan waxa jaraa’idka qaar lagu qoray 13/8/11.

Haddaba, waxaanu u aragnaa in amarkani fasaxaayo, dhiirinaayo dhaqan xumo bulshada ku faafta iyo in sinada la fududeeyo. Xanaanooyinka wixii bulshada wax tar u leh ha loo dhiibo, laakiin inay sino fududeeyaan waxaanu leenahay Maya. Culimadu waxay faafiyaan wixii umadda wax tar u leh adduun iyo aakhiro ee ma faafiyaan fikir khaldan. Dhaqan xumo uma fasaxayno qof buka iyo mid caafimaad qaba midkoodna. Sinaduna cinjir iyo cinjir la’aan waa xaaraan shareecaduna ma ogola. Ilaalinta anshaxa suubani waa ku waajib qof kasta oo xilkas ah.

Waxaanu soo jeedinaynaa in wixii arrimo diini ah ka hadalkooda culimada loo daayo oo looga dambeeyo. Ummadda islaamkana waxaanu bisha Ramadaan ugu baaqaynaa inay Alle u toobad keenaan oo ay is cafiyaan oo ay camalka suuban kordhiyaan.”

1. Sheekh Maxamed Aadan Muxumed

2. Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir

3. Sheekh Maxamed Cali Jaamac

4. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure

5. Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Cabdi

Comments are closed.