Dawladaha Somaliland Iyo Koonfur Afrika Oo Toddobadyada Soo Socda Kulan Yeelan Doona

3
761

 

waftiHargeysa(Geeska)-Weftiyo ka kala socda dawladaha Somaliland iyo Koonfur Afrika ayaa la filayaa inay dabayaaqada bishan yeeshaan kulan muhiim ah.

Wasiirka xidhiidhka caalamiga ah iyo iskaashiga Koonfur Afrika Maite Nkoana ayaa sheegtay inay labada toddobaad ee soo socda la kulmi doonto wefti ka socda Somaliland, balse aanay wax faahfaahin ah ka bixin doonin  kulankaas ilaa uu qabsoomo. Wasiirku waxay hadalkan ka sheegtay kulan ay Sabtidii shalay magaalada Pretoria ee dalkaas kula yeelatay wasiirka arrimaha dibadda ee Tansaaniya Bernard Membe.

Labadan wasiir ayaa waxa kale oo ay ka hadleen aqoonsi ay u fidiyaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay sheegeen inay door bidayaan inay Somaliya ahaato dal keliya.Waa markii u horaysay ee marka uu kulankaasi qabsoomo ay dawlada Koonfur Afrika qaabisho wefti ka socda Somaliland tan iyo markii uu Madaxweyne Siilaanyo kal hore qabtay talada dalka.

Comments are closed.