Dawladda Yugaandha Oo Ereteriya Ugu Baaqday Inay Joojiso Taageerada Al-Shabaab

0
661

 

yaa

 

Dawladda wadanka Uganda ayaa ugu baaqday Madaxweynaha dowladda Eratria inay dowladiisu joojiso taageerida Al Shabaab.

Xoghaya joogtada ee Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Uganda ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxweyanaha dowladda Eretria Asias oo dalkaas Yugaandha booqday   inuu joojiyo teegeerada dowladiisa ay siiso kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta wadanka Soomaaliya.

 Xoghaya ayaa waxa uu tibaaxay in dowladiisa ay rajeyneyso in Madaxweynaha uu qaadan doono baaqyada beesha Caalamka,  waxaana uu intaasi raaciyay inay muhiim tahay in gobolka geeska Afrika uu ka wada xasilnaado Al Shabaab iyo Urur weynaha Al qaacida.

Mas’uulkaan u hadlay dowladda Uganda ayaa waxa uu carabka ku dhuftay inay arintaani kaga faa’ideysanayaan booqashada Asias uu ku joogo wadanka Uganda,  waxaana uu sheegay inay dadaal dheer ay u gali doonaan sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen arintaasi.

Madaxweynaha Yugaandha Yuweri Musafeni ayaa soo dhawayn heer sare ah ku qaabilay Madaxweynaha Ereteriya Isias Afawerki oo booqasho ku tagay dalkaas.