Gabiley: Wasiirka Beeraha Iyo Wefti Jarmal Ah Oo Soo Eegay Dhibka Ay Fatahaadu Ku Keentay Dhul Beereedka

0
786

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wefti uu hogaaminayo wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa waxa ay shalay safar ugu kuur galeen saamaynta ay fatahaadaha daadadka iyo naabaad guurku ku yeesheen dhulalka beeralayda ah ee ka tirsan Gobolka Gabiley.

Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Beeruhu ayaa waxa ka mid ahaa wefti ka socday dalka Jarmalka oo dhawaan dalka soo gaadhay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin ka socda Baanka Jarmalka ee loo soo gaabiyo KFW  iyo masuul ka socday hay’adda GIZ ee ka soo jeeda dalka Jarmalka, waxaana sidoo kale weftiga ka mid ahaa masuuliyiin ka mid ah wasaaradda Beeraha Somaliland.

Masuuliyiinta wasaaradda Beeraha iyo masuuliyiinta ka socotay dalka Jarmalku waxa ay u kuur gal iyo indho indhayn ku soo mareen deegaano ka tirsan Gobolka Gabiley oo hoos yimaada degmada Allaybaday, halkaasi oo beerihii ay masuuliyiintu soo mareen ku soo arkeen saamaynta uu dil dilaaca ciida iyo fatahaadu ku yeesheen beerihii wax lagala soo bixi lahaa.

Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in meelaha ay kormeerka ku soo mareen ay ka mid yihiin halka ay ku kala baydhaan labada doox ee Waaheen iyo Biji, isla markaana rajaynayaan inay wasaaradda beeruhu ka samayso carro qabatin iyo biyo qabatin, isaga oo wasiirku ka codsaday  masuuliyiinta Jarmalka inay arintaasi kala shaqeeyaan.

Wasiirka Beeraha oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Halkan aynu ku suganahay waa halka ay ku kala baydhaan togaga Waaheen iyo Biji, waxaanu rajaynaa in dhulka biyaha la xidho oo ay nagala shaqeyaan Jarmalku si beerahan go’aya ay u badbaadiyaan oo biyihii loogu qabto beeraha ayna u suurto gasho in Geedeeble ay biyihii kor u kacaan oo ay soo kordhaan waa mashruuc  biyo qabad ah waa mashruuc wax weyn u tari doona Somaliland”.

Thomas Herzberg oo ka socday Baanka dalka Jarmalka ee loo yaqaano KFW iyo Axmed C/laahi oo isna ka socday hay’adda Jarmalka ee GIZ ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan arinta wax lagaga qabanayo biyo qabatinka iyo ka hortagista nabaad guurka, isla markaana ay soo arkeen nabaad guur badan oo ku dhacay dhulal beeralay ah.