Puntland Oo Toogatay Dhallinyaro Lagu Eedeeyay Inay Al-Shabaab Ka Tirsanyihiin

0
495

Picture1Boosaaso(Geeska)-Ciidamada Puntland ayaa duleedka magaalada Boosaaso ku toogtay 13-qof o ay ku jirtay haweeney, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab qaarkoodna lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii dhammaadkii sannadkii 2011 loogu geystay Boosaaso Dr. Axmed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa culimada Puntland.

Dhallinyarada la toogtay ayaa qaarkood waxay maxkamadda ciidamadu ku ridday xukunno dil ah, iyadoo kuwa kalena al sheegay inaan wax xukunno ah lagu ridin, waxaana goobta ay toogasho ka dhacday ku sugnaa saraakiil ka tisran kuwa ciidamada Puntland.

Waxa lagu soo warmayaa in warbaahinta loo diiday inay goobta tagaan, waxaana ammaanka goobta sugaayay ciidammo ka tirsan kuwa milateriga iyo kuwa badda Puntland, iyadoo toogashadu ay ku dhacday si saf-mar ah.

Dadka la toogtay ee lagu eedeeyay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen kuwaas oo qirtay inay ka dambeeyeen dilkii Dr. Axmed Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kala ahaa Axmed Maxamed Cali oo 18-jir ahaa,Maxamed Abshir Cartan oo 20-jir ahaa,Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo 28-jir ahaa,Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane) oo 23-jir ahaa,Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf oo 25-jir ahayd iyo Maxamed Maxamuud Saacadoole oo aan da’diisa la sheegin.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Puntland, Cabdikariin Xasan Firdhiye oo ka hadlay dilka ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu ku dhintay goobta ay toogashadu ka dhacday, kadib markii ay ku dhacday rasaas ka mid ah kuwii lagu dilayay 13-ka qof ee la sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen.

Dad qariyay magacyadooda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan habeenimadii laga baxay xabsiga magaalada Boosaaso subaxnimadiina si saf-ballaadhan ah loogu toogtay duleedka magaalada Boosaaso, waxaana uu dilkan noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa ee laga fuliyo Puntland.