Caliyoow! Golaha Wakiiladu Ee Somaliland Ha Eersan Ee Waxaa Howshoodii Ka Soo Bixiwaayey Bangiga Dhexe Ee Somaliland

0
540

Yaasiin Yuusuf Cabdilaahi, Xeeldheere Aqoonta Bangiyada

Waxaan ku bilaabayaa magaca alle, nabad gelyo iyo naxariisna nebigeenii suubanaa ha ahaato.

Maqaalkan, wuxuu jawaab u yahay, maqaal shalay (30/040/2013) ku soo baxay wargeyska Geeska Afrika oo uu qoray Qoraha caanka ah ee Cali Dool Axmed (Ex Cali Qoryooley), oo ciwaankiisu ahaa. Golaha Wakiilada ee Somaliland miyay tahliwaayeen Sameynta Xeerkii Baanka Ganacsiga ee Somaliland?

Maqaalkaa Cali, wuxuu isku daray la arrimood oo kala duwan, oo labadaba uu dusha ka saaray masuuliyadeed Golaha Wakiilada Somaliland.

Waa ta hore, golaha wakiilada ee Somaliland, waa gole sharci dejin oo dejiya xeerar waafaqsan dastuurka Somaliland, xeer wal oo loo keeno ama iyagu keenaan, inta aanan laga doodin waxa ugu horeeya ee laga eego waxa weeyi, ma ku jiraan wax jabinaaya ama ka soo horjeeda Dastuurka Somaliland.

Xeerka imika aynu ka hadleyno oo ilaa hadda horyaala golaha wakiilada, waa xeer baneynaaya RIBADA oo aynu ognahay ALLAH sida uu u diiday, sidaa darteed wuxuu jabinaaya qodobada dastuurka Somaliland ee kala ah:

1. Qodobka 5(2)

2. Qodobka 14(3)

Xeerka Ka ganacsiga howlaha bangiga ee Somaliland sidaas ayan loo ansixin karin, cidii iskudayda in ay marsiiso iyo cidii gacanta u taagta waxay baneynaysaa wixii ALLAH xarimay, aakhirona halka ay ku danbeynayaan waynu wada ogsoonahay.

Xeerkan badalkiisa oo ah Xeerka bangiyada Islaamiga ah oo ay ku jiraan kuwii ganacsiga iyo kuwii maalgashiguba, waxaa la ansixiyey  oo madaxweynaha Somaliland saxeexay 03/10/2012 oo laga jooga muddo ka badan billood.

Waxaa ka sii horeeyey oo la ansixiyey xeerkii bangiga dhexe ee Somaliland, oo la ansixiyey 12/04/2012 oo hadda laga joogo sanad ah.

Waa ta labaad ee, marka ay noqoto horumarka wadanka, waxaa qayb libaax ka qaata, bangiga dhexe. Waxaynu tusaale uga dhigi karnaa sida Wadnahu uu jidka bini’aadmiga ka yahay ayuu isaguna kayahay dhaqaalaha wadanka. La’aantiisna wadan ma horumari karo.

Haddaba, muxuu qabtay bangiga dhexe? Bangiga dhexe ee Somaliland wuu ku fashilmay in uu dardargeliyo howlaha dhaqaale ee Somaliland, iskadaa in uu howshaa qabtee, isaga ayaa xeerkii loo sameeyey wali meelmarin oo ilaa hadda oo Sanad laga joogo xiligii loo ansixiyey xeerka wax isbadal sameyn.

Takale, xeerkii bangiyada Islaamiga ah ee loo ansixiyey ilaa hadda cid uu siiyey ma jirto liisan bangi, oo diyaarba uma aha in ay galaan howshaa. Waayo, ilaa hadda lama sameyn waaxdii bangiyada liisanka siinlahaydba.

Dahabshiil iyo Salaam waxay sugayaan oo ay u dabranyihiin mudadaa lixdaa billood ah goortii la siinlahaa liisankoodii ay ku bilaabi lahaayeen howlaha bangiyada Islaamiga ah.

Haddii, uu howshaa ka soo baxo bangiga dhexe ee Somaliland uuna siiyo liisan labadaa bangi ee Dahabshiil iyo Salaam dhaqaalaha wadanka wax badan ayaa iska badali lahaa.

Markaa, Caliyoow! Eedda ha saarin meel aan lahayn.