Puntland Oo Ku Soo Biiraysa Dagaalada Lagu Hayo Somaliland

2
690

Lascanod(Geeska)-Maamul goboleedka Puntland ayaa ku soo biiray dagaalada hubaysan ee lagu doonayo in lagu wiiqo cududa qaranimada Somaliland ee laga abaabulayo gobalada Sool iyo Buhodle.

Iyadoo ay kooxda khaatumo State dhawaan ka riday magaalada Buhodle dagaal ay ku soo qaadeen ciidamada qaranka, ayaa maamul goboleedka Puntland wuxuu isna shalay soo dhoobay deegaanka Tukaraq ee bariga gobalka Sool maleeshiyaad la sheegay inay ku hubaysanyihiin 15 baabuur oo tikniko ah, waxaanay sida ay wararku sheegayaan ay maleeshiyaadkaasi diyaar u yihiin inay dagaal kale ku furaan ciidamada qaranka oo dagaal kale kaga jira deegaanada Buhodle.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland ayaa cadeeyay inuu maamulkiisu u diyaar garoobay inuu qayb ka noqdo dagaalada lagu wado qaranka Somaliland, waxaanu sheegay inaanay Puntland waxba kala hadhi doonin dagaal ay la gasho Somaliland.

Maamul goboleedka Puntland oo dhawr goor oo hore ku jabay dagaalo uu la galay ciidamada qaranka ee Somaliland, ayaa hadda u muuqda inuu doonayo inuu ka faa’iidaysto dagaalka ay ciidamada qaranka Somaliland kula jiraan maleeshiyaadka Buhodle ku hubaysan ee Somaliland diidka ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka oo jiidda hore jooga ayaa sheegay inay ciidamada qaranku heegan u yihiin weerar kasta oo kaga yimaada maleeshiyaadka Puntland ee la isugu soo ururiyay deegaanka Tukaraq.

Geesta kale, inkastoo laga dareemayo dhiilo colaadeed, haddana waxa degen jiidda Buhodle oo ay dagaalo culusi khamiistii ku dhex mareen ciidamada qaranka iyo kooxo hubaysan oo Somliland diid ah, waxaana sida ay wararku sheegayaan dhulkaas si weyn looga dareemayaa khasaaraha uu dagaalkaasi sababay.

Comments are closed.