Waraysi Gaar Ah: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

0
249

gudomiayah-cusub-224x300Hargeysa, (Geeska)-Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa xaqiijiyey inaan weli Maxkamada Sare bilaabin eegitaanka codsi dacwadeed uga yimi xisbiga UCID,una baahan tahay in maxkamadu ka jawaabto inay is-taahisho cabasho sharci oo laga garnaqi karo iyo in kale, lana go’aamiyo inay waafaqsan tahay shuruudaha dacwad maxkamada sare qaadi karto iyo in kale.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa cadeeyey inaan xukuumadihii hore dalkan u soo maray weligeed aan miisaaniyadahooda iib gaadiid loogu darin maxkamadaha hoose, mar walbana ku dedaalayaan iyagoo eegaya nabadgelyada guud ay nin xaqiisii loo xukumay oo cabanaya indhahiisa iyo gacmahaba u saaraan xaqa uu haysto ee ugu muuqda inuu ka maqan yahay.

Gudoomiyaha Maxkamada sare, Garyaqaan, Yuusuf Ismaaciil Cali oo shalay xafiiskiisa uu Wargeyska Geeska Afrika, waraysi kula yeeshay  ayaa waxa aanu ku weydiinay waxay ka qabteen ama xilliga ay u mudeeyeen cosdi dacwad xisbiga UCID kaga cabanayeen xildhibaano ka baxay oo Gudoomiyaha Baarlamanka Cabdiraxmaan Ciro ku jiro ayaa sheegay, “Weli umaanu fadhiisan, waxay u baahan tahay inaan su’aal hordhac ah ka bixino oo la xidhiidha codsiga dacwada UCID soo gudbiyey inuu yahay wax maxkamadu geli karto oo ka garnaqi karto iyo inuu yahay wax aan sharciyad ku salaysnayn. Waxay u baahan tahay inaan isla helo garsoorayaashii maxkamada oo isla eegno codsigii dacwada garabkii Faysal Cali waraabe, oo xilligan gudoomiyaha UCID ah, cabashadoodi waanu haynaa, kalfadhigaa ayey u baahan tahay maxkamad ahaan oo kaga jawaabno inay istaahisho cabasho sharci oo laga garnaqo iyo inaanay istaahilin in laga garnaqo.

Yuusuf Ismaaciil Cali, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, oo la weydiiyey inay dhameeyeen cabashooyin mudooyinkii hore laga tirsan jiray garsoorka, iyo natiijooyinka la taaban karo ee ay ka gaadheen ayaa ku jawaabay, “Cabashada garsoorku ma dhamaanmayso oo weligeed way jiraysaa, marba xad bay leedahay, oo waxa dagaalamaya xaq iyo dulmi, qof dulmi ka cararaya iyo mid xaq doonaya. Cabashadu waa wax ka dhasha hawl-maalmeedka maxkamadaha, cabashooyin badan iyo kiisas badan oo khaladaad u xidhnaa waanu dhamaynay oo dhinacyadii way ku kala hagaageen, kuwo badana waanu dhegaysanay oo waxay sugayaan go’aamo inaan ka soo saarno, dhowaana maxkamada sare way ka soo bixi doonaan. Cabasho kama dhamaanayso maxkamadaha hoose, oo qof kastoo go’aan maxkamadeed ku dhacay waxuu jeclaanayaa, xitaa kuwii dhaar lagu kala saaray ayaa odhanaya cabasho ayaan maxkamada sare u gudbisanayaa, waxay dadku u baahan yihiin in dariiqaa sharciga lagu qanciyo. Xaaladaha iyo wakhtiga iyo aqoon yarida dadkeena iyadoo la tixgelinayo ayaa keenta in cabashooyin badan maxkamada sare soo gaadhaan, oo dabadeedna lagu qanciyo, miyaan wax layga dhegeysanayn ayey qaarkood cabasho ka dhigaan, ama waxba waa lay weydiin waayey, taasaa sababta, annagoo eegayna duruufahaa, ayaan is-nidhaahna intay dadku isku dhici lahaayeen, ayaan is nidhaahna waa inaad talada badisaan, taana kuma khaldanin ayaan filayaa, waxaan isku deynaa inaan ku qancino ilaa halka ugu danbaysa, waar bal shaydaanka iska naara, iyaba waa xale, oo qofkii loo caqli celiyo inaan waxba ka maqnayn. Waxaad arkaysa qof aan waxba ka maqnayn oo haddana aqoon daro darteed shaki qaba oo leh jaarkaygii baa laba mitir iga soo galay, oo dabadeedna noqonaysa in la soo qanciyo oo inta mitir iyo fuudhloo qaado loo soo cabiro oo indhahooda iyo gacmahooda la soo taabsiiyo xaqoodii inuu u dhan yahay waxbana ka maqnayn.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo la weydiiyey waxa laga qabtay dhaqaale daro iyo gaadiid la’aan badi maxkamadaha hoose ee dalku hore uga caban jireen, ayaa ku jawaabay, “Run ahaantii muu jirin kharashaad gaadiid rasmi ah oo maxkamadaha hoose ugu jiri jiray miisaaniyadihii xukuumadiihii hore ee dalka soo maray, xukuumadan cusub way dadaashay, intaan ogsoonahay ma jirin gaadiid xaga xukuumadaha ka soo jeeday oo maxkamadaha hoos hore u lahaayeen, laakiin, muddo lix sannadoodba waxa jiray lix gaadhi oo UNDP ugu talogashay in dacwadaha deegaamada kala duwan loogu socdaalo si dadka loo gaadhsiiyo cadaalada oo goobahooda ugu tagaan. Nasiib wanaag xukuumadu xilligan miisaaniyada gaadiid cusub ayey ugu dartay maxkamadaha hoose, waxaana muuqata inay sidii balanqaadkii Madaxweynaha JSL hore ugu sheegay inay muhiimada koowaad siinayaan garsoorka dalka ku socoto, dhinaca hay’adahana waxaan wada galnay heshiis inay naga daboolaan baahiyaad badan oo gaadiid ka mid yahay, qorshahii shanta sannadood ee xukuumadu samaysayna waaxda garsoorka sannadba waxii loo qaban karo ayaa soconaysa. Wasaarada cadaaladu qorshe hawleed fiican ayey diyaarisay oo ah in cadaalada ummada loo dhoweeyo, taasoo markii hore miisaaniyada maxkamadaha hoos eay gacanta ku hayn jirtay waxay diyaarisay inay ku soo wareejiso maxkamada sare, si garsoorku hawlahiisa ugu madax banaanaado, waana talaabo wanaagsan ayaan aaminsanahay.xukuumadan cusubna waxay kaga duwan tahay xukuumadihii hore ee labaatankii sannadood dalka soo maray inay muhiimada koowaad ka dhigto in garsoorka dalka la dhiso, wejigii balanqaadkaasina wuu muuqda aoo ilaa hadda si wanaagsan ayey u socotaa.”