Puntland Oo Ku Dhaqaaqday Talaabo Ceeb Ku Ah Somaliland, Masuuliyiintii Iyo Askartii Ay Qabatayna Xabsiyo Ku Xukuntay Iyo Jawaabta Wasiir Xaabsade

0
868

 

waaaawHargeysa(Geeska)-Maamul goboleedka Puntland ayaa xabsiyo kala duwan ku xukuntay masuuliyiin iyo askar ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland, kuwaas oo ay dhawaaan ka qafaalatay deegaanka  Taleex ee gobalka Sool.

Maxkamada Darajada 1aad ee Puntland ayaa shalay xukuno ku riday afar masuul oo ka tirsan Somaliland iyo weliba afar askari oo ka tirsan ciidamada qaranka, waxaana lagu eedeeyay eedaymo kala duwan oo ay ka mid tahay inay dambiyo ka galeen Puntland iyo inay ku xad gudbeen xuduudkeeda amaba sheegasho dhul ay Puntland leedahay oo loola jeedo gobalka Sool ee Somaliland. Maxkamadu waxay sheegtay in toban sannadood oo xadhig ah lagu xukumay masuuliyiinta Somaliland ee ay magacyadoodu kala yihiin:

Salaad Ismaciil Maxamuud
Saciid Cali Shire
Maxamed Cali Cartan
Cabdirashiid

Waxa kale oo shan sannadood oo xadhig ah lagu xukumay afar askari oo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland kuwaas oo ay magacyadoodu kala yihiin:

Maxamed Cabdi Maxamed
Maxamuud Axmed Aadan
Maxamed Cali Shire
Maxamed Axmed Warsame

Waxa kale oo xukunku sheegay in baabuurtii iyo hubkii ay wateen masuuliyiintan iyo askartan reer Somaliland lagu wareejiyay maamulka saldhiga Garowe. Raggan la xukumay ayaa dhammaantood ka soo jeeda gobalka Sool.

Jawaabta Xaabsade

Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, oo uu Wargeyska Geeska Afrikawax ka weydiiyay talaabada ay Somaliland kaga jawaabayso go’aankan maxkamadda Puntland ay kula dul kuftay masuuliyiinta iyo askarta Somaliland, ayaa si kooban u yidhi “Waxaan ku idhi arrintaasi waa arrin u baahan inuu qaranku ka fadhiisto, markaa waanu iskaga imanaynaa wixii aanu ka yeeli lahayn.”

Wasiirka oo la sii weydiiyay fadhiga ka hor qorshahoodu wuxuu yahay ayaa yidhi, “Hadda waxba kuuma sheegi karo ilaa aanu isku nimaadno.”

Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha ahna ku simaha Wasiirka Md. Cismaan Garaad Soofe oo uu Wargeyska Geeska Afrikaisna la xidhiidhay si uu wax uga weydiiyo arrintan, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo waxaanu ka hadalkeeda iskaga riixay dhinacyo kale.

 Si kastaba ha ahaate talaabada uu maammulka Puntland qaaday ayaa ah mid weji gabax ku ah xukuumadda Somaliland oo marka laga reebo hanjabaad aan qaadin talaabo kale oo lagu furdaamiyo masuuliyiinta Garowe lagu haysto oo shalay la maxkamadeeyay, waxaanay dadku isweydiinayaan sababta ay dawladu uga aamusantahay masuuliyiinteeda iyo askarteeda sida foosha xun loo qafaashay ee haddana si badheedh ah dambiyo aanay mutaysan loogu oogay.