Madaxda Gobalka Togdheer Oo Beeniyay War Lagu Xidhiidhiyay Hay’ada Calamigaa Ee Mediar

0
4088

 

Burco(Geeska)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cabdi, Maayarka Magaalada Burco Maxamed Xasan Dhego-laab iyo masuuliyiin kale ayaa si weyn u beeniyay una Naqdiyay war lagu soo daabacay Wargeyska HAATUF cadadkiisii soo baxay 17-kii bishan oo sheegayay in Ha’yada MEDIAR ee Fadhigeedu yahay Burco ay hawl wadeenada ay shaqaalaynayso ku xidho shuruudo kiristaamayn ah.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warkaasi waxaanu tilmaamay in muwaadiniinta Ha’yadaasi ay yihiin muwaadiniin islaam ah oo reer Somaliland ah,

Guddoomiyuhu waxa uu ku dooday in Warkaasi lagu dhaawacayay Gobolka Togdheer, waxaanu xusay in Wargeyska HAATUF uu hore u daabacay war sheegayay in gobolkaasi ay joogaan xubno ka mid ah kooxaha mayalka adag ee ka dagaalama koonfurta dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya.

Yaasiin Maxamed Cabdi waxa uu sheegay mudadii ay Ha’yadaasi ka hawlgalaysay gobolka Togdheer inay wax weyn ka qabatay adeegyada caafimaadka, waxaanu tilmaamay inuu Ha’yadaasi raali gelin ka siinayo warkaasi been abuurka ah.

Sidoo kale, duqa Magaalada Burco Maxamuud Axmed Xasan, oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in shacbiga gobolka Tog-dheer ay raali gelin ka sugayaan wargeyska Haatuf, waxaanu dhinaciisa ammaan balaadhan u soo jeediyay Ha’yada MEDIAR oo uu xusay inay wax badan qabatay.

Maxamed Cali Xandulle iyo Maxamed Xuseen oo ka mid ah Hawl wadeenada Ha’yadan ayaa sheegay inay la yaabeen warkan meesha uu ka soo baxay Waxaanay carabka ku dhufteen in wargeysku uu dhaawacay sumcadii Ha’yada iyo waliba karaamadii bulshada gobolka Togdheer oo 100% muslim ah.