Daawo-dhaqameedka Dhirta Iyo Sansaanka Ku Xeeran

11
631

 

daawo dhaqameedka

Axmed Ibrahim Cawaale

In kasta oo carriga ay Soomaalidu ku dhaqan tahay badi lagu tilmaamo dhul qarfo-u-eke ah (semi-arid), haddana waxa uu ku caan baxay kala-duwanaansho noole (dhir, dhiroon iyo xayawaanba) oo aad u tiro badan. Ayaan-darro se, wax badan oo ka mid ah nooleyaashaasi waa ay sii libdhayaan. Haddii aynu soo qaadanno dhirta, waxa ugu sii daran geed-gaabka oo markooda horeba u nugul ku tumashada iyo cagta xoolaha iyo dadka. Dawo-dhaqameedka intooda badanna waxa lagala soo baxaa geed-gaabka. Qaabka loo soo goosto ayaan loo miidaan deyin, iyadoo badi la abbaaro xididka ama diirka/jidhifta oo geedka naafonimo iyo dhimasho gaadhsiisa. Tusaale waxa innoo filan asal-ka-diirashada Galoolka.

 

Aqoonta dhiroonka loo adeegsado wax-iskula-daalku (dabiibka) waxa ay ahayd mid ay Soomaalidu waayihii hore horumar weyn ka sameysay. Waxa xilliyada dambe soo kordhaya kal-xidhiidh-furan ka dhex jira dadka iyo dhirta. Waxana arrintan loo tiirin kara dhowrkan qodob:

Isu-gudbintii aqoonta hadhaadiga ah (indigenous knowledge),  oo horrayso iyo dambaysoba la yidhaahdo Soomaalida waa ay  ku bakhaysha, ayaan beryahan jirin. Xilliyadii hore, haddii qofka geedo-gooyaha ah lagu maamuuso sabeen adhi ah waa uu sheegi jiray geedka iyo adeegsigiisaba. Hadda se, odeyga ayaabaan wiilkiisu u gudbinayn ama wax uga sheegaynin.

Dhiroon badan oo loo adeegsan jiray daaweyn ayaa la xaalufiyey ama iskood meesha uga baxay ka dib markii uu baaba’ay ama tayo-dhac ku dhacay hoy-deegaankoodi (habitat loss).

Kalsoonidii lagu qabay dawo-dhaqameedka oo hoos u sii socota. Waxana ay taasi timid kolkii ay luntay ama la lumiyey aqoontaas hadhaadiga ahayd ee lagu garan lahaa jirro walba geedka ku habboon, qaybta, xilliga iyo sida loo adeegsanaayo.

Faafitaanka adeegsiga dawooyinka la soo dhoofsaday.

Dadaalkii Muuse Ismail Galaal (AHN) uu sameeyey ee uu ku ururiyey magacyada dhirta loo adeegsado daaaweynta waa mid dhaxal gal ah, waxa se loo baahan yahay in halkaas laga sii amba qaado.  Waxa kale oo habboon in dhirtaas  magacyadooda, adeegsigooda iyo muuqaalkoodaba meel la isugu keeno. Maxaa yeelay, kol haddii ay aqoontaasi sii lumeyso, muuqaalku (sawirku) waa muhiim.

Waxa uu arrinkani i xasuusiyey nin dhalliyaro ah oo la odhon jiray Yuusuf Cabdillahi Rooble (AHN)  oo taysadiisii Jaamicadeed ku sameeyey dawo-dhaqameedka, oo ururiyey dhir aad u tiro badan; ayaan darro se waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii lagu xasuuqay xeebtii Jasiira (17 July, 1989). Qoraalkiisina sidaas ayuu ku lumay.

Liiska dhirta loo adeegsado dawo-dhaqameedku waa uu dheeraan karaa, ha yeeshee waxa aynu u baahannahay in ciduun iska xil saarto ururintooda. Waxa taas barbar yaalla ilaalinta deegaanka oo sal-dhig u ah in ay sii jiraan dhirtaasi. Dhirtaas faa’iidadeedu innaga uun innaguma koobnaan karto e waa dhaxal Aadamuhu wadaagaan, innagana xilbaa innaga saaran in aynu dhowrno si faa’iidadeedu cid walba u gaadho.   Haddii se aynu aqoonteeda iyo il-baxnimadeeda la nimaadno, faa’iido weyn oo dhaqan-dhaqaale iyo mid caafimaad ayey inoo yeelan kartaa.  Waxa uu se arrinkani hadda u muuqdaa mid ka-niib-keeniddiisu aad u fogyahay.

Waxa adduunka ka jira wax loo yaqaanno budhcadda dhiroonka (bio-piracy) oo abuurka ama abqaalka dhiroonka ka xada dalalka soo koraaya (sideenna oo kale) kana iibiya shirkadaha dawooyinka sameeya, ka dibna ay shirkadahaasi diiwaan-gashadaan dawooyinkaas (patenting), oo taas micnaheedu yahay in xitaa dadkii dhirta laga soo xaday aaney warshadeysan karin!

Waxa uu adduunku joogaa xilli uu sii xoogoobayo adeegsiga dawo-dhaqmeedku, hal-ku-dhegguna waa “in dib loogu laabto dabiicadda” (back to nature). War-bixin ay soo saartay WHO, wax ku dhow 80% dadka ku nool arlada ayaa siyaabo kala duwan u adeegsada dawo-dhaqameed. Dalalka Shiinaha iyo Hindiya oo keliya ayey dawo-dhaqameedku meel aad u sarraysa kaga jirtaa. Aqoonta dawo-dhireedkana (herbalism) waxa loo galaa jaamicado, xeel-dheerina (takhasus) waa lagu sameeyaa. Meelo badan oo Afrika ah, oo ay ku xoogan tahay adeegsiga dawo-dhaqameedku, waxa ay geeda-gooyeyaashu u ololeeyaan sidii ay aqoonsi u heli lahaayeen.

Haddii aynu u soo noqonno dhinaceenna, iyadoo ay xilli hore  habboonayd in dadaal la geliyo aqoonta dawo-dhaqameedka iyo dhiroonka wax lagu dabiibaa xaaladda ay ku sugan yihiin, haddana “caano qubtayba dabadeed la qabay”. Waxana habboon in ay jaamicadaha dalka, siiba kuwa bixiya aqoonta dhakhtarnimadu, iyo ciddii kale ee danaynaysaba sidii ay uga howl-geli lahaayeen diiwaan-gelinta aqoontaas hadhaadiga ah ee sii lumaysa. Waxa, sidoo kale, habboon in aqoon-baadhisyo (daraasado) la xidhiidhsan arrinkan la sameeyo, ka dibna lagu daba cidhbiyo wax-qabad ku aaddan badbaadinta iyo horumarinta dawo-dhaqameedka.

Axmed Ibraahim Cawaale
aiawaleh@gmail.com

Comments are closed.