Puntland Oo Ka Hadashay Markabka Layla Ee Budhcadeeda U Qafaalan

0
640

LeilaGarowe(Geeska)-Maamul goboleedka Puntland ayaa markii u horaysay sheegay inay xoog ku soo furan doonaan markabka Layla ee u raran reer Somaliland oo ay afduubeen kooxo budhcad badeed ahi.

Wasiirka dekedaha ee Puntland Siciid Maxamed Raage, ayaa bogga Somalia report u sheegay inay kooxaha budhcad badeeda ah u diri doonaan codsi ay ku dalbanayaan inay sii daayaan markabkaas oo lagu magacaabo Layla, haddii ay soo dayn waayaana ay adeegsan doonaan quwad ciidan oo soo furata markabka, “Marka hore waxaanu la xidhiidhi doonaan kooxaha budhcad badeeda ah ee markabka haysta, waxaanan ka codsan doonaan inay bilaa shuruud ku soo daayaan markabka.” Ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas raaciyay, “Haddii ay diidaan waxaanu adeegsan doonaa awood ciidan oo waxaanu soo furan doonaa markabka iyo xoolaha saaran iyo shaqaalahaba.”

Wasiirkani, wuxuu sheegay inay Bosaso joogaan odayaal reer Somaliland ah oo halkaas u tagay soo daynta markabkaas, waxaanu sheegay inay maamulkooda Puntland ka codsadeen inay ka hawlgasho soo daynta markabkaas.

Markabkan MV/Layla oo muddo bil iyo badh ah ay haystaan kooxaha budhcad badeeda ah oo u dhashay deegaanada Puntland, wuxuu siday hanti badan oo ay iska leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ahi.

Garowe(Geeska)-Maamul goboleedka Puntland ayaa markii u horaysay sheegay inay xoog ku soo furan doonaan markabka Layla ee u raran reer Somaliland oo ay afduubeen kooxo budhcad badeed ahi.