Mulkiilaha Dahab Shiil Oo Banaanka Is Keenay, Dareenada Shacabka Ee Uu Ka Jawaabay Iyo Sharaxadda Wershadda Sibidhka

1
642

Guddoomiyaha_DahabshiilHargeysa(Geeska)-Mulkiilaha shirkadda caalamiga ah ee Dahab Shiil Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, ayaa markii u horaysay si cad uga hadlay wershadda sibidhka Berbera oo uu murankeedu muddooyinkan dambe aloosnaa, iyagoo dadweynaha reer Berbera aad uga gadooday go’aan ay sheegeen inay xukuumadu kaga daba keentay wershad labaad iyadoon tii hore ee dadka deegaanka liisanka loo siiyayba loo dhaqaaqin. Wershadan ayaa waxa hormuud ka ah shirkadda Dahab Shiil, waxaana la sheegay inay saamiyo ku leeyihiin ganacsato kala duwani.

Muddooyinkan dambe waxa aad isu soo tarayay buuqa iyo dareenada kala duwan ee ka taagnaa wershadaas sibidhka ee la sheegay inay shirkadda Dahab Shiil maalgelinayso, waxaanay dadka reer Berbera xukuumadda kaga dacwoonayeen inay buuro gaar ah u xidhay shirkadda Dahab Shiil. Hase yeeshe ganacsade Maxamed Siciid Ducaale (Dahab-Shiil) oo shalay hadal kooban ka jeediyay kulan ay qabsadeen ganacsato uu ka mid yahay oo sheegay inay ka tirsanyihiin maalgeliyayaasha wershadda sibidhka Berbera, ayaa wuxuu markii u horaysay faahfaahin ka bixiyay shirkadaas sibidhka, “shirkadda waxaanu u hawlgalnay oo u hawlgalaynaa inay shirkadasi hirgasho, hadda waxaynu joognaa marka laga hadlayo xaqiiqdii maanta wershad abuuran oo meel taalaa ma jrito laakiin waa wax aasaaskeedii uu soo socday meel fiicana marayo, bogcadii laga dhisi lahaana dawladda ayaynu uga fadhinaa oo ilaa wiigan inoo tilmaamaysa ama isu keen taagaysa.”

Isagoo ka jawaabaya dareenada shacabka Berbera ay kaga soo horjeedaan wershadaas, wuxuu yidhi “wershadaas sida la sheegay mid cid lagu xumaynayo maaha, mid cid loola jeedo maaha, waa mid dalka iyo danta dalka iyo danta dadka la doonayo in wax loogu qabto, waad garan kartaan dalalka aynu jaarka nahay meel walba in lacag la gashado cid waliba diyaar ayay u tahay oo way noo gacan haadinaysaa oo ay leedahay kaalaya oo waxa dalalku kala xodxotaan ciddii maalgashanaysa , ma jirto dunida meel tidhaahda yaan waxba lana gashan oo yaan waxba la samaynin oo wax alla wixii la qaadaba qaylaa oodda laga qaadayaa.”

Isagoo si gaar ah ula hadlaya dadka ka gadooday wershdaas, wuxuu yidhi “inkastoo aanan cid duraynin  haddana ayamahan TV-ga waad ka maqlayseen murano taagtaagan, markas taas dadka waxaan ka raali gelinayaa, waar dadyahoow annagu balaayo ma wadno, cid duulaan kuma nihin, cid ku xumayn mayno, cid wax ka sheegi mayno, dawlad iyo dad toona qof duri mayno, laakiin waxaasn isleenahay wax qabta, wax qabadka haddii dadka qaar khalad u fahmaan taasu waa nasiib darro, annagu uma jeedno, cidna waxba ka sheegi mayno, kuwii wax naga sheegayna waxaanu leenahay raali ahaada annagu waxba idinka sheegi maynee.”

Isagoo ka hadlaya dadka qaar ku doodaya in shirkadda Dahab Shiil oo wershadan saamigeeda ugu badan leh loo xidhay buuro gaar ah, wuxuu yidhi  “Kuwa leh dadbaa buuro loo xidhay oo buuro loo waageeray waxaanu leenahay waa beentood, buuro lanoo xidhay ma jirto, wershad liisankeeda ayaa lana siiyay, marka ay hawsheedu bilaabantana meelaha ay ka qaadanayso dee dawladaanu uga fadhinaa oo way noo cadahay laakiin wax lanoo soo xariiqay oo la yidhi intaa idinkaa leh ma jirto, ta kale cishooyin dhexdaas ah waxa dadka laga tusayay tv-yada kaabado la leeyahay cid baa laga dumiyay, kaabadahaas waxaan idiin cadaynayaa kaabado aanu meel dhignay iyo meel lanaga dumiyay iyo meel aanu leenahay oo ay ciddi naga dumisay ma jirto, kuwa duminayay ciddii duminaysay ayaa sheegaysa, malaa cid ayuun baa gaysay isla isaga ah, annagu ma ogin, meel lanaga baabiiyayna ma jirto, dee way jirtaa bogcad banaan oo niman na yidhaahdeen aan idinka iibino, oo aanaan waxba iibsanin kaabadana gelin haddana la yidhi bogcadii dawladu tidhi waanu idinkala noqonay oo cidaasi ma laha, oo ay yidhaahdeen meel kale ayaanu idiinku bedelaynaa, laakiin kaabado gelinay iyoi buuro lanoo xayndaabay intaasi intaba waanu beeninaynaa oo ma jirtaanu leenahay.”

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah ganacsato sheegtay inay ka mid yihiin maalgashadayaasha wershadan, oo ay ka mid ahaayeen Farxaan Xaaji Cali Axmed oo ah mulkiilaha telefishanka HCTV, Maxamed Baarjeex iyo  Ismaaciil Xaaji Cabdi Ducaale, oo sheegay inuu yahay afhayeenka shirkaddan  oo ka waramay faa’iidada uu maalgashigu dalka u leeyahay iyo weliba qiimaha wershadan.

Hadalkan Maxamed Siciid Ducaale iyo xubnahan kale ayaa wuxuu ku soo beegmayaa hadal uu wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ka sheegay xafladii xil wareejinta oo ku saabsanaa wershadan isagoo y idhi “Anigu waxaan ka mid ahay guddidii loo diray wershada sibidhka markii laga hadlayay ee u horaysay, taladaydu aniga waxay ahayd dawladu gacanta haku hayso, sheeris yar yar ha la iibiyo, oo dunida oo dhan cidii iibsanaysa halaga qaado lacagta, kalkaynu dhaafno heerkii ay warshadu ku dhismaysay yaynaan joojine aan wadno oo sharikado kalana waan ka samayno, si dadku shaqo u helo, wadankuna uu mid warshado leh u noqdo. Laba shay oo kala duwan ayaa jira hadaan imika warshad kookakoole ah aan samaysto ama mid saabuuna waa wax aan anigu iska leeyahay, laakiin buur halkaas fadhida oo ilaahay siiyay dadka kolka la rabo waa wax dadka ka dhexeeya oo aan qofna yeelan karin, intii ka shaqaysanaysaana wax waa ay ka kasbanaysaa umadduna waa inay yeelataa 51%  iyo  wax lamida.”

Comments are closed.