Safiirka Dawladda Itoobiya U Fadhiya Hargeysa Oo Si Adag Uga Hadlay Dagaalka Hawdka Ka Socda Iyo Fariinta Uu U Diray Shacabka Iyo Dawladda

4
633

Bereha TesfayHargeysa, (Geeska)-Xukuumada Itoobiya ayaa markii ugu horeysay si adag uga hadashay dagaal ka dhacay deegaanka Soomaalida gaar ahaan deegaanka Gaashaamo ee kililka shannaad, isla markaana u soo jeedisay dhamaan inta ku hawlan abaabulka iyo taakulanyta inay ka shaqeeyaan sidii loo dhamayn lahaa shaqaaqadaa oo aan dan u ahayn qof, qabiil iyo qaranimada Somailand iyo Itoobiya midna.

Qunsulka guud ee safaarada Itoobiya ku leedahay Somaliland, Brig. Gen, Berhe Tesfaye, ayaa sheegay inay ku rajo weynyihiin inay shaqaaqadaas soo afjaraan iyagoo is kaashanaya xukuumadda Somaliland iyo dawlad deegaanka Itoobiya, waxaanu intaas raaciyay inay xog-ogaal u yihiin qaar ka mid ah salaadiin, odeyaal iyo culimo kaga jira abaabulka dagaal gudaha Somaliland, isla markaana u soo jeediyey inay ka shaqeeyaan wanaaga iyo nabadgelyada.

Qunsulka guud ee safaarada Itoobiya u fadhiya Hargeysa, Brig. Gen. Berhe Tesfaye oo weriye wargeyska Geeska Afrika ka tirsani wax ka weydiiyey dagaalada maalmahii ugu danbeeyey oo dhimasho iyo dhaawac badan ka dhashay, ayaa ku jawaabay, “Aad baan uga xunahay dhimashada iyo dhaawaca dagaaladaa ka dhashay maadama labada dhinacba yihiin shacabka xukuumadayada, laakiin, waa muhiim in sharciga iyo nidaamku shaqeeyo, shacabkuna u hogaansamaan sharciga, xukuumaduna u dulqaadan mayso wax kastoo sharciga iyo nidaamka dawladnimo ku lidi ah,”

Mar la weydiiyey in ciidanka Liyuu Police-ku si sharci daro ah u laayaan shacab aan waxba galabsan, loona arko qabiil gooniya, ayaa ku jawaabay, “Ciidanka Itoobiya qabiil maaha, ha ahaado oromo, Soomaali, cadaan, shacab kastoo halkaa degan oo diyaar u ah ka qeybgalka nidaamka way u furan tahay, intii diida mooyee. Askariga Itoobiyaanku ama booliis ha ahaado ama milateri uma banaana sharcina uma haysto inuu qof muwaadin ah sifo sharci daro ku dilo ama ku waxyeeleeyo, hadday dhacdana masuuliyadeeda isagaa qaadaya, dhinaca kalena, looma dulqaadanayo in shicibku gacantooda sharciga ku qaataan, ama ciidanka xukuumada la dilo, markaa waxa imanaysa in talaabo adag la qaado, dadku waa inay sharciga u hogaansamaan, haddii ay dagaalamaana, xukuumada Itoobiya way haysaa awood ay kaga hortagto.”

Brig. Gen, Berhe, ayaa raaciyey, “Waan la soconaa qaar ka mid ah salaadiin, culimo, odeyaal iyo dad badan oo iyaguna is garanaya, annaguna (Itoobiya) aanu garanayno oo ku hawlan abaabul dagaal hub iyo rasaasna u gudbinaya gudaha Itoobiya, waxaan leeyahay inaad wanaaga iyo nabadgelyada ka shaqeysaan ayaa idiinka haboon hawlaha aad ku jirtaan oo qof, qabiil iyo qaranimada Somaliland iyo Itoobiya midna dan u hayn, xukuumada Somaliland-na waxaan ka codsanaynaa inay ka wacyigeliso dadka hawlahaa ku jira iyo guud ahaan shacabka Somaliland.”

Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland, Brig. Gen. Berhe Tesfaye oo la weydiiyey talaabooyinka ay ka qaadayaan joojinta dagaalkaa, ayaa cadeeyey, “Xukuumada dhexe ee Itoobiya, ta Gobolka Soomaalida iyo xukuumada Somaliland iyagoo is kaashanaya waxaan ku rajoweyn nahay inaan sida ugu horeysa wax uga qabano xalinta shaqaaqooyinkaa. Fadlan saxaafadu ha gaadhsiiyo shacabka Somaliland inay ka waantoobaan abaabulka dagaalka gudaha Itoobiya. Anigu(Qunsulka) gawaadhi badan oo hore sharci daro ugu talaabay xuduudka Itoobiya, balse aan denbi kale gelin ayaan ka soo furdaamiyey Jigjiga, wax walba wada xaajood ayaa lagu dhamayn karaa, laakiin, haddii sharciga la jebiyo xukuumada Itoobiya u dulqaadan mayso.”

Comments are closed.