Puntland Oo Dib U Celisay Markab Deeq Raashin Ah U Siday Deegano Bariga Somaliland Ka Mid Ah

0
517

Garoowe (Geeska) – Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa shalay ku dhawaaqay inay dib u celinayaan markab deeq raashin ah u siday deegaano ka mid ah Puntland iyo meelo ka mid ah gobolka Sool ee Somaliland.

Markabkan oo sidday raashin ay hay’adda bisha Cas iyo dawlada Turkigu leedahay ugu talo-gashay dadka ku dhaqan deegaanada isku Shuban, Goldogob iyo degmada Taleex ee Somaliland, ayaa ka soo shiraaqday Magaalada Muqdisho, waxaana sida la sheegay lagu soo hagaajiyey mid ka mid ah ganacsatada reer Puntland, taasi oo keentay in mamulka Puntland ka cadhoodo sababta isaga loogu soo hagaajin waayay, maadaama oo ay maamulka deegaanka gacanta ku hayaan.

Guddi wasiirro oo Madaxwayne Faroole u saaray inay go’aan ka gaadhaan Markabkaasi iyo raashinka uu siddaba, ayaa sheegay inay go’aansadeen inay markabkaasi dib ugu celiyaan dekedda Magaalada Muqdisho oo hore ugu roggay deeq loogu talo-galay reer Muqdisho “Guddigu markay daraasad ku sameeyeen sida raashinkaasi loo soo diray, cidda soo dirtay iyo ujeedooyinka iyo danaha laga lahaa, markay ogaadeen inaanu jirin wax codsi ah oo Puntland uga tagay raashinkaasi ama xidhiidh ay la samaysay dawladda Federaalka, dawladda Puntland-na aanu soo marin waxa u soo baxday in raashinkani yahay mid loogu tallo-galay in bulshada reer Puntland dhexdeeda lagaga abuuro cadaawad iyo is tuhun colaad dhalinaya, waxa kale oo baxday inuu raashinkani yahay mid siyaasadaysan, looguna talo-galay in lagu waxyeeleeyo maamulka, ka dib waxay go’aamiyeen in raashinkaasi dib loogu celiyo meeshii laga soo diray”sidaa waxa yidhi wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdilaahi ilka Jiir.