Obama Iyo Putinka Ruushka Oo Ay Deeradu Dhex Miranayso

0
504

Picture2Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu dib u qiimayn ku samayn doono xidhiidhka uu dalkiisa la leeyahay Ruushka.

Barack Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego in xidhiidhka Ruushka ay la leeyihiin uu shaqeynayo iyo in kale.

Waxaa uu cambaareeyay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo uu sheegay inuu u fakarayo sidii berigii dagaalka qabaw.

Obama ayaa ku eedeeyay Putin inuu caqabad ku yahay in horumar laga gaadho arrimaha waaweyn ee u dhexeeya labada dal.

Maraykanka ayaa ka cadhooday magangelyada ay Ruushku siiyeen Edward Snowden, oo ah ninkii kashifay barnaamij sir ahaa oo Maraynkanku ku dabagalayeen malaayiin ruux oo dunida ku kala nool.

Barnaamijkaas ayaa lagu dhagaysanayay telefoonnda, waxaa kale oo loo adeegsanayay in lagula socda farriimaha internetka ee malaayin ruux.

Madaxweyne Obama ayaa joojiyay booqasho uu ku tegi lahaa dalka Ruushka kaddib go'aanka Ruushaka ay magangelya ku siiyeen Edward Snowden.

Geesta kale, Xoghayaha Arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa furay Jimcihii kulan ay magaalada Washington ku yeesheen wasiirka Arimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo wasiirada difaaca ee Mareykanka iyo Ruushka, waxuuna sheegay in wada hadaladu ay muhim yihiin xilli labada dhinac uu ay ka dhex jiraan khilaafaadyo.
 Isagoo ka hadlayay xarunta wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayuu Mr Kerry sheegay in xidhiidhka Mareykanka iyo Ruushka ay ku asteysanyihiin dano ay labada dhinac wadaageen waqtiyo kala duwan, isla markaana ay jiraan dano iska hor imaanaya oo isku dhacaya, hase yeeshee arintu aanay aheyn uun kiiska Edward Snowden.

Kerry waxa uu sheegay in saraakiisha Ruushka ay daacad ka yihiin arimo badan oo ay isku qilaafasanyihiin, laakiin waxa uu ku nuux nuuxsaday in labada wadan ay muhim u tahay inay horu mar ka sameeyaan arimaha ku aadan hanaanka gantaalaha difaaca iyo arimo kale oo ay ku jiraan arinta Afghanistan, Iran, North Korea iyo Syria.