Aw Jaamac Cumar Ciise Oo Shalay Geeriyooday

0
1091

Picture2Djibouti(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay dalka Djibouti ku geeriyooday Aw Jaamac Cumar Ciise, oo ahaa taariikh-yahan ururiyay taariikh iyo suugaan ay Somalidu leedahay oo tiro badan.

Aw Jaamac, ayaa muddooyinkii dambe u jiifay xanuun haleelay oo uu shalay u geeriyooday. Aw Jaamac Cumar Ciise ayaa ururiyay gabayo badan oo uu lahaa Sayid Maxamed Cabdillaahi Xasan, waxaana maskaxda Aw Jaamac ku duugnayd taariikh badan oo uu wakhti u huray ururintooda. Laakiin dadka qaarkii ayaa ku eedayn jiray inuu dhalan-rogay taariikho badan islamarkaana uu weji kale u sameeyay, waxaana mar uu Hargeysa safar ku yimid si weyn wax looga weydiin jiray  gabay uu dhalan rogay oo aflagaado ku ah mid ka mid ah beelaha Somaliland.

Marxuumku wuxuu geeriyooday isagoo jiray 92 sanadood.  Aw Jaamac Cumar Ciise wuxuu dhashay sanadkii 1922-kii, waxaanu dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalada Lascanod ee gobalka Sool.

Sanadkii 1965-tii ayuu Aw Jaamac qoray buuggii ugu horeeyay oo ka hadlay taariikhda Soomaalida, waxaana buugaasi uu ahaa Af Carabi.  Waxaana lagu daabacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Sanadkii 1972-kii markii la bilaabay qorista Farta Soomaaliga, Aw Jaamac Cumar Ciise ayaa bilaabay inuu diiwaankii suugaanta iyo taariikhda Soomaalida ee uu hayey ku qoro Af Soomaali kana soo wareejiyo Af Carabiga.

Sanadkii 1991 markii uu dhacay burburkii dawladii dhexe ee dalka ayaa Aw Jaamac u guuray wadanka Jabuuti si uu ugu noolaado, wuxuuna halkaasi ku daabacay dhawr buug oo kala duwan.