Garowe(Geeska)-Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa Arbacada beri u codaynaya Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi hoggaamin doona shanta sannadood ee soo socota iyo kuxigeenkiisa.
Baarlamaanka oo lagu soo xulay nidaam beeleed, ayaa ka kooban 62 xildhibaan, waxaanay cod ku dooran doonaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana ku baratamaya 21 murashax oo ay 11 ka mid ahi u tartamayaan madaxweyne, halka ay 10-ka kalena ku loolamayaan ku xigeenka. Murashixiinta waxa ka mid ah madaxweynihii hore iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdisamad Cali Shire.
Dadka siyaasadda indho-indheeya ayaa isha ku haya xaaladda amniga ee Puntland, maadaama oo aanay nabadgelyadeedu lugo adag ku taagnayn, waxaana cabsida keenaya siyaasiyiinta loolamaya oo isweydaarsanaya hadalo qalafsan.
Murashixiinta Madaxweynaha ayaa kala ah
Cali Xaaji Warsame
Cabdiweli maxamed Cali Gaas
Cali Cabdulqaadir Yusuf
Cabdiweli Maxamuud Gurey
Shire Xaaji Faarax
Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
Cabdullaahi Siciid Samanter
Maxamed Cabdinuur Xirsi
Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey
Cali Cabdi Awaare
Cadbiraxmaan Maxamed Faroole
Liiska kuxigeenada u sharaxan ayaa kala ah:
Gen.Cabdisamad Cali Shire
Cabdullaahi Xirsi Timacade
Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)
Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
Maxamuud Caydiid Dirir
Daahir Khaliif Maxamuud
Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane
Maxamed Xirsi Ducaale
Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar
Xuseen Xaaji Xasan