Prof. Iqbal: Saaxiib Mudan Oo Ay Somaliland Tabi Doonto

0
628

prof_jazby_bHargeysa(Geeska) – Dawladda Koonfur Afrika ayaa Dr. Iqbal Jhazbhay u magacowday inuu noqdo danjiraheeda u fadhiya magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in dawladda Koonfur Afrika dhawaan u magacowday Dr. Iqbal safaaradeeda Asmara. Prof. Ibqal oo macalin ka ahaa jaamacadda Koonfur Afrika, islamarkaana xubin ka ah xisbiga talada dalkaas haya ee ANC, ayaa si weyn u taageera qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanu mar Somaliland wakiil sharafeed uga ahaa dalka Koonfur Afrika. Iqbal oo ah skhakhsi dedaal badan, waxa uu Somaliland ka qoray buug qiimo badan kaas oo uu ku soo bandhigay taariikhda xuduudeed, sharci, dawladnimo iyo bulsho ee dalkan Somaliland, waxaanu xidhiidhkiisa Somaliland bilaabmay xilligii uu talada Somaliland hayay Alle haw naxariste Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.

Sidoo kale wuxuu aad u shaqayn jiray xilligii uu talada hayay Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin, mudadii uu xidhiidhka wada shaqayneed Somalialnd la lahaana waxa uu hirgeliyay xidhiidhka Somaliland iyo Koonfur Afrika oo aan hadda sidii hore ahayn waxaanu dalkan Somaliland ku soo xidhay dawlado iyo diblomaasiyiin kala duwan, waxaana safar uu ku yimaado Somaliland ugu dambaysay bishii Febarwari ee sannadkan. Xidhiidhkiisa Somaliland wuxuu sababay inuu khabiir ku noqdo arrimaha gobalka Geeska Afrika, taas oo ay dad badani aaminsanyihiin inay sabab u noqotay inuu hadda safiir ka noqdo mid ka mid ah dalalka Geeska Afrika.