Waraysi Gaar Ah: Qunsulka Itoobiya u Jooga Somaliland oo Ka Hadlay Mastaafurinta Dadka Itoobiyu

0
738

DSC02321Hargeysa(Geeska) – Safaaradda dalka Itoobiya u joogta magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay siday u aragto go’aanka ay xukuumadda Somaliland ku saarayso dadka Itoobiyaanka ah ee aan haysan sharciga ee dalka ku nool.

Danjire Taye Tesfaye oo ah qunsulka safaaradda Itoobiya ee Somaliland joogta, oo waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu sheegay in go’aanka xukuumadda Somaliland ka mid yahay heshiis ay dhawaan labada dal ku kala saxeexdeen magaalada jigjiga ee dalka Itoobiya oo dhigayay in muwaadiniinta labada dal u kala gooshaysaa ay ku socdaanaan waraaqo sharci ah iyo Fiise. Waxase uu ku taliyay sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka dalka ka baxaya, isagoo xusay inay safaaradooda gaadheen warar sheegaya in dadka qaar loo gaysto hadidaad iyo aflagaado. Waxa kale oo uu danjiruhu ka hadlay xidhiidhka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadda Itoobiya. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Tiro intee leeg ayaad ku  qiyaasi kartaa dadka  Itoobiyaanka ah ee dalkiina ku noqday, wax iskaashi ma ka yeelateen sidii ay dadkaasi uga noqon lahaayeen Somaliland?

Bishii June wakiilo ka socday xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa ku kulmay Jigjiga wada hadalkii aanu yeelanay oo dhinacyo badan taabanayay waxa ka mid ahaa ilaalinta xasiloonida iyo nabadgelyada, iyadoo markaas la sii ambo qaadaya wada hadaladaas laba bilood ka dib wuxuu kulan kale ka dhacay Jigjiga. Wada hadalkaas dambe waxay labada dhinac iskula gaadheen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka isu socod ee labada shacab ee u kala gooshaya labada dal, waxaanay labada dhinac isla qaateen in dadka labada dhinac iskaga gudbayaa noqdaan kuwo mara habka sharciga ah ee ah in iyagoo wata Basabor iyo Fiise ay iskaga gudbaan. Dhammaan muwaadiniinta Itoobiya ee Somaliland joogtana waxa laga codsaday inay habkaas sharciga ah u armaan imaanshaha iyo ku noolaanshaha Somaliland, sidaas si lamid ah ayay Itoobiyana uga rajaynaysaa dadka Somaliland ee dalkooda joogaa inay maraan habkaas sharciga ah. Taasi waxay ahayd wax isfaham guud laga yeeshay, iyadoo markaas taas ku dabaqaysa ayaan filayaa inay xukuumadda Somaliland soo saartay go’aan ah inay bil gudaheed kaga baxaan dadka aan sharciga haysani oo ay dalkooda dib ugu noqdaan, iyadoo markaas taas la raacayo ayaa dhamaan muwaadiniiintii Itoobiya ee halkan joogay ee aan haysan sharci degenaansho ama shaqo ay qasab ku noqotay inay noqdaan taasina waxay ku timid go’aanka xukuumadda Somaliland. Haddii aan ka hadlo Tirada dadka Itoobiyaanka ah ee baxayna xaqiiqdii weli si dhab ah uma hayno. Waxa jiray ilaa shan boqol oo ruux oo doonaya inay tagaan oo ay hay’adda IOM gacan ka siisay oo tagay.

Iyadoo markaas la raacayo isfahamkaas ma filaysaa in xukuumadda Itoobiya ay qorshaynayso sidii ay dalkeeda uga soo saari lahayd sidoo kale dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland ee Itoobiya bilaa sharciga ku jooga?

Xaqiiqdii weli taas xukuumadda Itoobiya may go’aansan. Shir la xidhiidhay arrinkaas oo ka dhacay Addis Ababa 28—29 September oo ay waday hay’adda IOM ayaa lagu soo qaaday sidii loo caawin lahaa haddii ay jiraan dad reer Somaliland ah oo doonaya inay dalkooda ku noqdaan iyadoo markaas ay gacan ka siinayaan dalalka reer Yurub ee la isku yidhaahdo Nordic Countries. Shirkaas oo ay ku kulmeen wadamadaas iyo masuuliyiin ka socday Somaliland iyo IOM weli ma hayo go’aanka ka soo baxay, kulanka xigana waxa lagu qaban doonaa Somaliland oo go’aan lagu soo saari doonaa, waxaanad tafaasiil dheeraad ah ka heli kartaan wasaaradda daakhiliga ee Somaliland.

Ma filaysaa in go’aankani saamayn ku yeelanayo dadka reer Somaliland ee Itoobiya degen, haddiise uu yimaado side xukuumadiinu u waajahaysaa?

 Runtii ma sheegi karo nooca saamaynta ah ee uu go’aankani yeelan karo, laakiin mar walba waxa xaqiiq ah in xukuumadayadu tahay mid qaangaadh ah oo si wacan u garanaysa waxa ay qorshaynayso inay qabato, wax go’aan ahna ilaa hadda kamay soo saarin dib u soo noqoshada muwaadiniinta Somaliland ee bilaa sharciga ku jooga halkaas [Itoobiya] ilaa inta aan la socdo, laakiin marka la dabaqayo isfahamkii aanu gaadhnay labada xukuumadoodba waxay diyaar u yihiin dhaqan gelinta go’aankaas in muwaadiniinta aan sifo sharciya haysani aanay joogi karin labada dal midna, muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee aan haysan sharci ama ogolaansho ah inay halkan degaan ama shaqo iyo kuwa magaalada iska dhex meeraysanaya shaqo la’aan waan u sheegnay xukuumadda Somaliland inay saaraan. Sidoo kale dawladda Itoobiyana way go’aansan kartaa dhamaan inta aan haysan sharci degenaansho iyo fiisooyin iyadoo loo eegayo doonistooda inay soo noqdaan, ilaa imikana wax go’aana oo ku saabsan arrinkaas xukuumadayadu may soo saarin.

Ma laga yaabaa in go’aankani xumeeyo xidhiidhka labada shacab ee labada dal?

Eeg, guud ahaan sida wadamada kaleba waanu taageersanahay in muwaadinku uu dal kale ku tago isagoo sita waraaqo sharci oo uu ku socdaalayo. Laakiin waxa aanaan jeclaysan ama aanaan taageersanayni waxa weeye dhaqan gelinta go’aanka, maxaa yeelay waa inuu u dhaqan galaa si ixtiraam leh oo laga ilaaliyaa meel ka dhaca xuquuqaha ee dadka, handidaada ama dhibaataynta, maxaa yeelay waxaan nahay laba wadan oo saaxiibo ah mana nihin dad isu cadow, waxaanu doonaynaa inaanu xoojino xidhiidhka labada shacab ka dhexeeye, waxaanu doonaynaa inaanu xoojino xidhiidhka u dhexeeya labada dawladood. Inkastoo aanu kula talinay in dadka aan sharciga haysani inay ka tagaan Somaliland, laakiin sidoo kale waa in la xushmeeyaa oo hab waayeelnimo loo xaq dhawraa oo aan sharaftooda meel lagaga dhicin. Keliya waxa dareenka nagu hayaa waa dhaqan gelinta taasina inay noqoto hab degen oo si hagaagsan u socota si aanay taasi u keenin saamayn kale.

Waxaad sheegtay in dadka sharaftooda iyo karaamadoda la ilaaliyo. Ma waxaad aragtay waxyaabo ka soo horjeedo oo dhacay intii dadka la saarayay iyadoo wasaaradda daakhiliguna hore u sheegtay in aan la dhibaatayn dadkaas Itoobiya ee baxaya?

Maya, waxaanu muddooyinkan mashquul ku ahayn xafiiska, mar mar waxaanu maqlaynay inay marar dhaceen waxyaabo aflagaadooyin ah ama hiiftan ahi ama in laysku dayo in inta la raaco oo la daba galo la daandaansado. Waa laga yaabaa inay jiraan waxyaabo yar yar oo halkan iyo halkaas ka dhacay inkastoo aanaan odhan karin waxaanu haynaa xaqiiqooyin jira oo ay noqon karaan wax la sameeyay, haddana waxaanu ka codsanay wasiirka arrimaha gudaha sidii wax looga qaban lahaa waxyaabahaas la soo sheegay, waanu noo balan qaaday inuu wax ka qaban doono oo uu qoraal ka soo saari doono. Si marka ay dadkan Itoobiyaanka ahi ku laabanayaan dalkooda loo caawiyo oo dhibaato looga ilaaliyo inta ay baxayaan, waanu naga balan qaaday wasiirku inuu samayn doono oo uu dadka ku wacyigelin doono inaan dhibaato loo gaysan dadkaas baxaya.

Intii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay, waxa jiray hadalo soo baxayay oo ahaa inuu isbedel ku yimid xidhiidhkii labada dal. Arrintaas maxaad nooga sheegi kartaa?

Haddii aan xaqiiq kuugu waramo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waa mid aad u xoog weyn, si wanaagsana wuu u socdaa, waxaanan leenahay iskaashi qiimo leh.
 

Waraysigan oo dhammaystiran iyo arrimo xiiso leh oo ay ka mid tahay aragtida Itoobiya ee Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dr. Gabose, waraaq la sheegay inay Itoobiya is casilaadii Dr. Gabose ka dib Somaliland u soo dirtay iyo isfahamka ay labada dawladood ka yeesheen muwaadiniinta shaqeeya ee aan haysan sharci iyo arrimo kale kala  soco cadadka salaasada ee Wargeyska Geeska Afrika.  Sidoo kale Akhriste waraysigan oo Ingiriisi ah waxaad ka akhrisan kartaa cadadka beri ee The Horn oo ah mataanka Geeska Afrika ee ku soo baxa luuqada Ingiriisida.