Pringles Ayaa La Caddeeyey In Aanay Ahayn Baradho, Sidii La’ Moodayey, Balse Ay Tahay Waxyaabo La Isku Sanceeyey

0
613

2Washington (Geeska)- Baradhada qasacadaysan ee Pringles oo dunida oo dhan caan ka ah ayaa muddo dheer oo loo cunaayey baradho ahaan kadib la caddeeyey in aanay baradho ahayn. Shirkadda soo saarta Pringles oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska ayaa dhowaan mar cashuuraha lagu kordhiyey wax-soo-saarka warshadaysan ee heerkoodu sarreeyo, sida baradhada Jibis ka (Chips) loo yaqaanno ayaa ku qasbanaatay in ay runta ka sheegto in cuntadani aanay ahayn baradho sida la moodayey,  balse ay tahay waxyaabo kale oo la isku dardaray.

Shirkaddu waxa ay xaqiijisay in samayskan Pringles ay ku bilaabato cajiin (Qoosh) ka samaysan bariis ridqa, qamandi, iyo hadhuudh, kadibna inta la isku wada cajiimo la geliyo warshad ka dhigaysa faleex (Wax aan qaro lahayn) oo xoodan dhadhankana uga eeg baradho.

Masuuliyiinta shirkadda Pringles waxa ay caddeeyeen in marar aad u dhif ah uun cajiinkaas lagu dhex daro in aad u yar oo baradho ah, balse inta badan lagaba maarmo.

Cajiinkan ayaa marka la warshadaynayo waxaa la geliyaa birinta ay qaabkan uu yahay chips ku ka dhigto kadibna saaraysa suun wareegaya oo la sii dhexmaraya saliid aad loo shiilay, kadibna sii marinaya qayb isla warshadda ka mid ah oo qallajinaya, iyada oo markaas ay qalasho kadibna lagu rushaynaya budo leh dhadhanka kala duwan ee aynu ku aragno Chips ka warshadaysan. Markaa kadib ayaanu suunkaas warshadu u sii gudbinaya qaybaha   kale ee qasacadaynaya.

In kasta oo dhadhanka Pringles aad u fiican yahay, dad badanina ku raaxaystaan in ay burbursadaan, waxaa dad badan u qaadan waa iyo naxdin ku noqotay runta qadhaadh ee soo baxday oo ah in isku dardarkan iyo qaabkan samayska ah ee loo warshadaynayaa uu ka dhigo cunto aan caafimaad ahaan u fiicnayn ama sun ku ah jidhka. Waxa aanay keentaa dhibaatooyin caafimaad oo aad u tiro badan, xitaa haddii ay ka samaysan tahay baradho keliya oo warshadaysan.

Khubarada caafimaadkumarar badan oo ay baadhitaanno xeeldheer ku sameeyeenna waxaa soo baxday in ay baradhada warshadaysan (Chips) nooc kasta oo ay tahayba ay ka mid tahay cuntooyinka sababa kansarka.