“Ololihii Doorashooyinka Waa Laga Soo Gudbay Ee Khilaafka Siyaasiga Ah Ha Laga Gudbo….”

0
637

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaanu ku baaqay in laga gudbo khilaafka siyaasadeed, waxaanu tilmaamay in Shir-guddoonka Golaha Wakiilada looga baahan yahay inuu isku wado dhammaan Xildhibaanada Golaha.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu sidoo kale ka xog-warramay heshiiska colaad dhexmartay laba beelood oo walaalo ah oo wada dega Gobolka Sanaag, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Doorashooyinkii waa laga soo gudbay, Maayaradii iyo Maayar ku xigeenadii Golayaasha Deegaankana waa la doortay, waxaa ugu dambeeyey Shir guddoonka Golaha Wakiilada, isagana waa la doortay, anigu iyadoon Doorashada Shir guddoonku dhicin, ayaa ku sii taliyey in loo baahan yahay in si cadalaadi ku jirto loo qabto Doorashada Shir guddoonka, sida aan ku taliyey ayeyna u dhacday, markaas Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Xildhibaanadii u coddeyey iyo kuwii ka coddayeyba isaga ayaa Guddoomiye u ah, waxaana looga baahan yahay inuu isku keeno, inuu isku soo ururiyo, sidaas awgeed Golaha Wakiilada waxaa looga baahan yahay inay midnimo isku duubni iyo daacadnimo ku shaqeeyaan, oo dadkii soo doortay iyo dalkaba si daacadnimo ku jirto ugu adeegaan, loolankii siyaasadeed iyo ololihii Doorashooyinka waa laga soo gudbay ee khilaafka siyaasiga ahna ha laga gudbo, oo ha laga dheerado in la sheego dhaliilo iyo eeddo aan jirin”.

Dhanka kale wuxuu ka xog waramay heshiis la wado oo u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah oo wada dega Gobolka Sanaag, oo colaadi dhexmartay, waxaanu tilmaamay inay hadda meel wacan heshiisku marayo, isla markaana si toos ah heshiiskooda loo guda gali doono, waxaanu ugu baaqay labada beelood inay aad uga feejignadaan in colaad dambe dhex marto.

 

Geeska.net/Hargeisa Office