Hargeysa: Maxaa Kala Haysta Booliska Hargeysa Iyo Bagaashlayaasha Waaheen

0
918

 

bagaashlayd

Hargeysa (Geeska) Ciidanka booliska oo kaashanayaa kuwa dawlada hoose ee magaaalada Hargeysa ayaa nafta u keenay ganacsatada yar yar ee badhtamaha suuqa, kadib markii ay alaabooyin ay ku riixayaan kaaryoonayaal ay soo dhigteen hareeraha wadooyinka suuqa waaheen taas oo cidhiidhi gelisay jidkii ay baabuurta iyo dadku marayeen.

Booliska iyo ciidanka dawlada hoose ayaa ah kuwo aan dan iyo muraad ka lahayn alaabta saaraan kaaryoonayaasha, isla markaana dhulka dhiga ama baabuurta ay wataan saara bagaashka, miiska iyo kaaryoonkaba iyagoo aan waxba u kala aabo yeelayn.

Qofka iska leh alaabta baabuurta dawlada hoose la saaray had iyo jeer dhibaato kale duwan ayaa ka soo gaadha ciidanka booliska, iyaga oo alaabtiisa ka qaaday ayey haddii ay doonaan u raaciyaan feedh iyo laad afar geesood ah, iyada oo xiligana lagu jiro dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadan. Alaabta baabuurta la saaray ee ay ciidanku qaadaan had iyo jeer waxa ka dhex dhasha lumitaan ku yimaada bagaashkii la rafacay.

Waxaad mooda in aanay kala caajisan dawlada hoose iyo dadka dantu u gaystay inay ku ganacsadaan laamiga hareertiisa. Waxase wakhtigan arrintaa sii baro dhaafiyey xiligii iida oo fooda inagu soo haya, waxaanad ku arkaysaa jidadka waaweyn ee suuqyada magaalada Hargeysa rag iyo dumar alaabooyin kala duwan la hor fadhiya hareeraha laamiga.

Nin meel dhexaad ah oo ay ciidanka booliska dawlada hoose shalay ka kala daadiyeen alaab yar oo uu soo hor dhigtay laamiga, si uu maalmaha ciida ka hadhay uga ceesho. Wuxuu ii sheegay mar uu alaabtii laga qaaday maahee intii kale dhulka ka xaab xaabinaayey inay miiskii alaabtu u saarnayd ay ka qaadeen, gaadhigana ay saarteen.

Ninkaas oo kaliya maaha ee intii la safnayd wixii ay ka qaadi karayeen kaaryoone iyo miis umay aabo-yeelin. Olalaha noocaas ahi waa mid labada geesoodba u daran, isla markaana dan u ah bilicda iyo nidaamka magaalada dhexdeeda, hase ahaatee siday ku jirto dawladnimadu waxay ahayd in mar hore laga sii baaran dego oo boolis la dhigo goobaha halista ah ee aan lagu ganacsan karin.

Maaha xiliyada oo kaliya marka ay khaati kala joogsadaan booliska iyo bagaash-laydu, hase ahaate waxaa jirta maalmo ay dawlada hoose soo qaado olole nadaafadeed oo ay wax kaga qabanayso bilicda suuqyada caasimada, balse waxaad mooda in aanay kala il bixin labadoodu.

Inkastoo ay waajib tahay in Boolisku baneeyaan jidadka si uu u sugnaado ammaanku xilliga ciida oo ay tuugtu ka faa’iidaysto dadka tukaansanaya, haddana waxa muhiim ah inay dhinaca kalena tixgelin siiyaan dadka ganacsatada soo koraysa ah.