Wasaaradda Warfaafinta Oo Dacwad Ku Oogaysa Wargeyska Waaheen

0
548

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay inay dacwad ku oogayso wargeyska Waaheen, oo shalay warbixin ka qoray wasaaradda warfaafinta.

1

Wargeyska ayaa shalay qoray warbixin musuq maasuq iyo iyo  khilaaf ka dhex jira wasaaradda warfaafinta oo u dhexeeya wasiirka iyo agaasimaha guud, kaas oo sida wargeysku xusay salka ku haya baabuur uu wargeysku sheegay inay leedahay wasaaradda warfaafintu oo si qarsoodi ah looga kireeyay hay’ad, kaas oo markii uu sida uu wargeku sheegay  wasiirku ogaaday uu dhashay khilaaf u dhexeeya wasiirka iyo agaasimaha guud.

Wargeyska ayaa sheegay in arrimahani ay sababeen in agaasimaha guud uu shaqada ka soo xaadiri waayay. Hase yeeshee qoraal uu soo saaray agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan, ayaa wuxuu dacwad ka dhan ah wargeyska Waaheen ugu gudbiyay xeer ilaalint guud ee qaranka.