Wakaalada Biyaha Burco Oo Bilawday Mashruuc Cusub Oo Biyo Gelin Ah

0
809

Burco(Geeska)-Wakaaladda biyaha ee magaalada Burco xarunta gobolka Togdheer ayaa bilawday mashruuc cusub oo ay biyo ku galinayaan qaar ka mid ah xaafadda magaalada Burco oo aaney hore biyaha u gaadhsiinin.

Mashruucan dhinaca biyaha ah oo ay Wakaaladdu ka fulinayso xaafaddaha galbeedka Burco oo noqonaaya biyo galintii u horeysay ee ay Xukuumaddu gaadhsiiso ayaa ka danbeeyay ka dib markii ay Wakaaladda biyaha Burco ay kordhisay ceelasha magaaladu ka cabto.

Geesta kale maamulka Wakaaladda biyaha Burco ayaa digniin u jeediyay Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya dhinaca biyaha qaar ka mid ah xaafadaha Burco.

Maareeyaha Wakaaladda biyaha Burco Jirde Xadhigle oo warbaahinta uga waramay mashaariicdan biyaha ee ay wadaan iyo arimo kale ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa.

“ Waxaanu maanta halkan ugu sheegaynaa dadweynaha magaalada Laba ceel  oo aanu halkan ka qodnay oo biyahoodu macaanyiin in aanu mid ka mid ah maanta Beebkiisa dhigayno ,biyihiisana aanu  gaadhsiinayno magaalada intaaney bishani dhamaanin anagoo ku xidhiidhinayna Systemkii hore ee biyaha.

Waxaananu u balanqaadaynaa dadweynaha magaalada in aanu biyaha gaadhsiin-doono goobkastoo magaalada ka mid ah mudo ka yar Lixbilood sidaa awgeed marka aanu imika ceelkan xidhiidhino ,bisha danbe-na waxaanu soo xidhiidhinaynaa ceelka kale ee Labaad “ Sidaas ayuu yidhi Mr Jirde . “Waxa kale oo aan halkan fariin ugu dirayaa digniina Shirkadaha gaarka ah ee biyaha magaalada ku hawlan ,waxaanan leeyahay waar hadii awal hore lagu marmarsoon jiray Dawladu biyo ma hayso ,maanta Dawladu biyihii way wadaa waanad aragtaan ,xiitaa iyadoo aaney hore u dhicin in biyaha la gaadhsiiyo xaafadaha galbeedka Burco ,maanta xeradii hore ee xero dhaawacda ayaanu kaga keenay “ayuu yidhi Maareeyuhu waxaanu intaasi raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata.

“ Waar Dawlad iyo Privat ma tartami karaan ,hantidiina iyo maalgashigiina biyuhu idinkoo og in aaney hadhawto idiin soo noqonaynin ,kana warhaya in ay wakaaladu is kaafiday ,waxaan ku wargalinayaa cidkastoo ku hawlan biyaha magaalada in ay ka digtoonaadaan ,cidii Wasaaradu ruqsad u siisayna ha ku eekaadaan wixii loo qoondeeyay “ Sidaasi ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco.

Wakaaladda biyaha magaalada Burco ayaa mudadii ay xilkeeda hayeen maamulkan haystaa oo Sanad ku dhaw mashaariico balaadhan oo dhinaca biyaha ah ka fuliyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.