Odayaal Ka Soo Jeeda Degmada Maxamuud Haybe Oo Difaacay Wasiirka Arrimaha Gudaha

0
963

Hargeysa(Geeska)-Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda degmada Maxamud Haybe, ayaa sheegay in mudaharaadyadii degmadaas iyo meelo kale oo Hargeysa ka mid ahba ka dhacay ay ahaayeen kuwo lagaga soo hor jeeday biyo la’aanta, waxaanay meesha ka saareen in xisbiyada mucaaradka ah ay taageerayeen mudaharaadyadaas.

Sida oo kale odayaashan iyo siyaasiyiintani waxay arintaas taageero ugu muujiyeen wasiirka arimaha gudaha Cali Warancade, oo ay sheegeen inuu ku guulaystay xal u helida rabshadahaas biyo la’aanta ka dhashay.waxaanay sidan ku sheegeen shir jaraa’id oo ay kula hadlayeen warbaahinta.

Oday Axmed Aw Jaamac Cilmi oo ugu horayntii halkaas ka hadlay waxa uu yidhi“Rabshadii dhawaan ka dhacay biyo la’aanta may ahayn mid xisbi ku xidhan iyo mid qolo ku xidhan, waxay ahayd  mid ku xidhan biyaha dadka laga gooyay,hadana wasiirkaas Cali Maxamed Warancade aanu yimaadeena dhibaato adag ayaa dhici lahayd, Allena waxaanu ku mahadinaynaa  wasiirka arintaas damiyay ee booyadiina dadka u fasaxay, rabshadiina damiyay,dawlada iyo dadkuba waa inay ogaadaan cida wax u taraysa.”

Wasiir ku xigeenkii hore ee arimaha gudaha  Axmed Xasan Goole waxa isagana hadaladiisa ka mid ahaa “Anaga oo ku hadlayna magaca beesha Ciidagale waxaanu cadaynaynaa in rabshadu ay ka kacday biyo la’aantaas kaliyaata, markii uu xaliyay wasiir Warancadena shalayba biyahii xaafadu way ku dabaalanaysay oo booyadii way shubeen, waxaan leeyahay arimuu xalkaas ha ku socdaan arintanina may ahayn mid mucaarad iyo xisbiyo toona ay ka danbeeyaan ee waxay ahayd mid biyo la’aantaas uun salka ku haysa.”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Xuseen Caabi kana tirsanaa golihii degaanka ee Hargaysa waxaana uu yidhi“Odayaashu arimahaasi ay ka hadleen Ayaan ana waxa yar ku dari doonaa,arinta taagan ee aanu maanta ka hadlayno maaha mid cid nasoo dirtay ee waxa weeyaan biyo la’aanta baahsan ee ka  taagan caasimada iyo qorshe xumida wakaalada biyaha ayaa dibada noo soo saartay iyo waayo aragnimo aanu lahayn.Ninka maareeyaha ka ah wakaalada biyaha oonu cabasho ka dhiibayno maanta,beesha halkaasi dagtaa maaha mid ay soo direen raga siyaasiyiin ah ee la odhanayo waxaa soo diray UCID iyo Waddani waxaasi waxba kama jiraan.markaas waxaanu usheegaynaa dadka biyo la’aan ay hayse oo mudo dheerba biyo aan araga ayaa mudaharaadka sameeyey waxaas oo dhana waxa usabab ah wakaalada biyaha,markaas hortu waxaan idiin sheegayaa in ay hawshu sidaas ahayd.”

Maxamed Xuseen oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Dhibaataduna maalintii ay ugu doobirta sahlanayd ayey ahayd boolisku runtii iyaguna dadaal badan ayey sameeyeen dadkuna macaa baabuurta may jabinayeyn waxa kaliya oo ay ka cabanayeen biyo, mucaaradna may ahayd lakiin cid masuul ah oo xukuumadda ay kala xidhiidhaan ayey garan waayeen.waxaan aad iyo aad hanbalyo iyo bogaadin aan la’koobi Karin ugu soo jeedinaynaa wasiirka arimaha gudaha  Cali Maxamed Warancade oo maqnaa mudo dheer hadan markii uu sidaas u yimi xal u helay halkii saddexda cisho xalka u heli kari waayeen xukuumada Siilaanyo.”