Mudaharaad Ka Dhashay Biyo La’aanta Caasimadda Ka Jirta Oo Shalay Gilgilay Hargeysa, Khasaraha Ka Dhashay Iyo Nuxurka Heshiis Uu Warancade Booyadaha Ku Hawlgeliyay

1
908

Picture7Hargeysa (Geeska)-Mudaharaado lagaga Cabanayey biyo la’aan soo food saartay degmooyinka Koonfurta iyo Galbeedka Magaalada Hargeysa, ayaa shalay gilgilay Magaalada Hargeysa, ka dib markii booyadihii biyaha u dhaamin jiray xaafadaha aanay gaadhin biyaha dawladdu ay muddo saddex maalmood ah ku jireen shaqo joojin ay kaga cabanayeen cashuur dheeraad oo Wasaaradda Maaliyaddu saartay.

Mudaharaadadan oo ka dhacay xaafadaha Calaamadaha, Jigjiga yar iyo Siineey, ayaa waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah iyo weliba burbur hantiyeed.

Mudaharaadka ka dhacay xaafadda Calaamadaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa oo ahaa kii ugu weynaa, ayaa waxa ka qayb-galay boqollaal dhalinyaro ah iyo haween, waxayna xoog ku xidheen jidka isku xidha Madaarka Hargeysa iyo Caasimadda inteeda kale, ka dib markii ay dhagaxaan ku jareen jidka laamiga ah, isla-markaana u diideen inuu maro hal gaadhi, isla-markaana ku gubeen taayiro faro badan.

Mudaharaadkan oo socday ilaa galinkii dambe ee shalay oo dadwaynuhu kaga cabanayeen biyo la’aanta haysatay saddexda maalmood ee u dambeeyay, ayaa waxa faro-galiyey ciidamada RRU-da kuwaasi oo isku dayey inay furaan jidka Madaarka taga, balse ay isku dhaceen Mudaharaadayaasha, kuwaasi oo dhagaxaan kala hor tagay, balse waxa halkaasi ku geeriyooday mid ka mid ahaa dhalinyaradii Mudaharaadka ka qayb-galay, kaas oo uu jiidhay gaadhi, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo markii dambe Mudaharayaasha dhex galay “Durba qaarbay naftu ka baxday arrintaasi awgeed (mudaharadka biyo la’aaneed) oo iyadoon xabaddi ku dhicin ayaa baabuurtii gurmadku jiidheen” ayuu yidhi, Wasiirka arrimaha guduhu, inkasta oo aanu ka hadal saddexda qof ee la sheegay inay ku dhaawacmeen Mudaharaadkaasi, kaasi oo mid ka mid ah xabaddii ciidamada Mudaharaadayaasha ku rideen ku dhacday.

Sidoo kale dadweynaha xaafadda Siiney ee degmada Axmed Dhagax ayaa iyaguna xidhay Jid halbawle ah, waxaanay ku xidheen dhagaxaan iyagoo ka gadoodsanaa biyo la’aan saamaysay. Sidoo kalena dadka xaafadda Jigjiga yar ayaa iyaguna sameeyay dibad bax noocan oo kale ah oo ay kaga cabanayeen biyo la’aantaas haleeshay.

Mudaharaadkaas markii la qaboojiyay ayaa markii uu qaboojiyey Wasiirka arrimaha guduhu, waxa uu ka hawl-galay sidii uu ula kulmi lahaa guddida booyadleyda ee shaqo joojinta waday saddexda maalmood isla-markaana Mudaharaadadani ka dhasheen, waxaanu la kulmay guddidaasi oo ay isla qaateen inay biyo dhaaminta bilaabaan, Magaaladana waraabiyaan, sida uu ku sheegay khudbad uu u jeediyay wadayaasha booyadaha cadhooday oo uu kula hadlay duleedka huteelka Shiraaqle ee bariga Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay yaaleen inta badan booyadaha Magaalada u dhaamiya.

Wasiirka oo la hadlaya booyadleyda, ka dib kulankii la qaatay guddidooda ayaa yidhi “Haddii aad tihiin ragga booyadaha leh ama wada waxaad ogaataan inaad qayb weyn ka tihiin hawsha qarankan loo hayo ee aynu bulshadeena u hayno, taasi waanu qireynaa, markaad qalabkiina ugu dhaaminaysaa dadkeena maatida ah, waxa dusha idinka fuushay masuuliyad culus, dhibta aad u martaana waanu ognahay, waxaanu ognahay dhibaatada ay idinku hayeen wado xumidu, waxaanu ognahay sida baabuurtu idiinka jabaan, waxaanu ognahay qaaliga ay yihiin, laakiin waynu isku tashanay, isku tashigaasi waxay keentay (In waddooyinka la hagaajiyo) ILAAHAY-baan idinku dhaariyee waddada u dhaxaysa halka aad biyaha ka soo dhaamisaan iyo Hargeysa, bishan iyo bishii hore ma isku mid-baa, sow lama samaynin, meel kale kamay iman ee waa shilimaadka aad bixisaan oo la isku geeyay. ma diidanin inaad cabataan oo aad dawladdiina u sheegataan, ilayn dawladdu malaa’ig maaha oo waala khaldami karaa, gef-baa dhici karaa, ma diidanin inaad tidhaahdaan waar waxaasi way nagu culus yihiin ee nala eega, dawladduna waxay diyaar u tahay inay idinla eegto, haddaad ka badbadinaysaan waxa la idin odhan waad ka badbadinaysaan, hadday culays idinku tahayna waxa la odhan ha lala eego”

Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu booyadleyda u sheegay in loo siidaynayo hal qof oo hore looga xidhay “Hadduu jiro qof booyadleyda ah oo xidhan, hadda (Shalay) ayaan amar bixinayaa oo waala soo deynayaa, dalkana uma baahna xadhig ee wuxuu u baahan yahay in la wada hadlo oo la isfahmo, idinkana haddii la idinka xishoodo inaydaan ka badbadin ee aad wadahadalka qaadataan weeye, waayo dalkeenu Mudaharaad iyo dhibaato kama bixi karo, waad ogtihiin oo maalin walba oo Mudaharaad la dhigo dadbaa ku dhinta, sababtoo ah waxaan inoo dhamaystireyn qalabkii loogu talo-galay Mudaharaadada, dadkeenuna ma yaqaano sida Mudaharaadka loo dhigo”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Intii aad fadhideen (Booyaduhu) dhibaato badan ayaa dhacday, masuuliyadeedana idinka iyo annaguna aakhiro iyo adduunkaba badh ayaynu ku yeelanaynaa, maatidii iyo carruurtii waxa loo la’yahay biyo, dumarkeenii waxay la meeraysanayaan jirikaamo oo marba xaafad ayay u gudbayaan, markaa waxaan idiin soo jeedinayaa annaga oo odayaashiinana wada hadalnay, cabashadiina waanu eegaynaa oo waxbaanu ka qabanaynaa, waxaanuna ku wada hadalnay inaanu soo saarno guddi Wasaaradda arrimaha gudaha ah, guddi Wasaaradda Maaliyadda ah iyo guddi booyadleyda ah, dabadeedna la isla eego oo la isla xisaabiyo oo wixii dhib ah ee jira la isla eego, arrintaasina waxay keeni doontaa inay wanaag ku dhamaato, haddii Alle yidhaahdo, laakiin dadkeena dhib badan ayaa ka imanaysa haddii dawladda iyo qoladiina booyadleydu (aynu heshiin wayno), waxa iman karaysa in booyadahaasi aanay nabad galin, haddii dadku gadoodaan waxa laga yaabaa inay booyadda uun gartaan, markaa walaalayaal waxaanu idinka codsanaynaa inaad imika laga bilaabo (Shalay) aad booyadihii dhaqaajisaan oo aad dadkiinii waraabisaan, intaan dhibaatadu intaasi inagaga sii badan, miyey idinla tahay inaad dadkiina biyo la’aan ku eegtaan inaga oo intaas oo booyadood haysana”

Wasiirka arrimaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu sheegay inaan balanqaadka uu u sameeyay booyadleyda ee ah in cabashadooda wax laga qabanayo aanay cidna uga dambaynayn “Nin ka mid ahaa booyadleyda ayaa igu yidhi haddii aanu dhaqaajino booyadaha, hadhow halkeenu u kacaynaa, waa qowl Sharaf, qowlkeyga ILAAHAY mooyaane cid aanu kaga dambaynaa ma jirto, dawlad-baanu nahay, sabab nagu kalifaysa in been la idiin sheegaana ma jirto, anniga oo wasiirka arrimaha gudaha ah ayaana arrintaa masuul ah oo anniga ayaad ii imanaysaan oo wixii macquul ah ku heshiinayna, idinkuna dadkiinii u dhaamiya, haddii kale dhibku intaasi wuu inagaga sii badanayaa”ayuu yidhi.

Markaasi ka dib, ayaa waxa halkaasi ka hadlay mid ka mid ah guddida booyadlayda, waxaanu sheegay inay Wasiirka heshiis ku gaadheen in cabashada booyadleyda wax la qabato, waxaanu ku war-galiyey wadayaasha booyadaha inay shaqada biyo dhaaminta bilaabaan, taasi oo meesha ka saareysa biyo la’aantii caasimadda soo food saartay.

Afhayeen u hadlay booyadaha ayaa saxaafadda isna shalay u sheegay inay wasiirka arrimaha gudaha isku afgarteen in wada hadal la bilaabo, iyadoo inta uu wada hadalku socdo aan booyadaha laga qaadi doonin cashuurta ay ka biyo diideen.

Cabashada booyadaha ee xalka ku meel-gaadhka ah laga gaadhay ayaa ka dhalatay xukuumadda oo cashuurta wado marista booyadaha ka dhigtay 4.18000 SL Shilin, halkii booyad, halkii hore booyadda looga qaadi jiray 75000 SL shilin.

 

Comments are closed.