Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Maanta Dalka Ku Soo Noqonaya

0
433

Picture2Hargeysa(Geeska)-Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), oo muddo dalka dibadiisa ka maqnaa ayaa Maanta dib ugu soo laaban doona.

Maayarka Caasimadda iyo qaar ka mid ah Shan Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa oo muddo ku maqnaa dalka Sweden, iyaga oo marti qaad ka helay Maayarka Caasimadda Sweden ee Stockholm,iyaga oo halkaas ku qaadanayey Tababar iyo macluumad ku saabsan hawlaha shaqo ee Dawladdaha hoose,   ayaa Maanta dalka ku soo laabanaya,

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa xidhiidh wada shaqaynayd iyo iskaashi la soo saxeexday dhiggiisa Caasimadda Sweden ee Stocholm, kuwaas oo u ballanqaaday inay Tababar xaga shaqaalaha ah iyo xaga maamulkaba ka caawin doonaan dawaldda hoose ee Hargeysa, waxaanu Maayarku sheegay  inay guul ka soo hooyeen safarkaasi shaqo ee ay Sweden u tageen, isla markaana ballamo iyo heshiish lagu mataanaynayo labadda caasimadood soo kala saxeexdeen.

Dhanka kale waxa xusid mudan in Maayarka Magaalada Hargeysa iyo Weftiga uu hogaaminayo inay kulano la qaadeen Madaxda Dawladda hoose ee Caasimadda Sweden Stockholm iyo qurba jooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaas. 

Dhanka kale waxa hore u yimid Somaliland gaar ahaan Caasimadda Xoghayaha Magaalada Stockholm, iyada oo safarkan ay ku tageen Maayarka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanadu uu daba socday Safarkaas,